Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Tagaya Magaalooyinka Boorama Iyo Baligubadle

focus

Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Tagaya Magaalooyinka Boorama Iyo Baligubadle

Madaxweyne Biixi Oo Safar Ku Tagaya Magaalooyinka Boorama Iyo Baligubadle

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu maalinta Berri ah safar ugu baxo magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal.

Madaxweynaha ayaa safarkan sidoo kale ku tagi doona magaalada Baligubadle ee xarunta gobalka Hawd.

Muddo ku dhaw afar sanno ah oo uu xilka hayey Madaxweyne Muuse Biixi waa markii ugu horreysay ee uu safar ku tago magaalada Baligubadle.

Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada Xisbiga WADDANI Cabdirashiid Cabdi Jaamac ayaa naqdiyay safarka la filayo in Madaxweyne Biixi uu ku tago magaalada Boorama waxaanu yidhi sida tan:

“Madaxweyne Muuse muxuu gashaday Awdal oo lagu soo dhaweeyaa. Ma madaxweyne ayaan idin ahay mise waxqabad uu idin gashaday.

Muuse waxa uu xilka Siilaanyo kala wareegay iyaga oo leh reer Awdal sideed wasiir (Wasiiro, kuxigeeno, wasiiru dowlayaal) iyo haayado madax banaan ( wadooyinka, hay’ada shaqaalaha)  agaasimayaal iyo taliyayaal ciidan oo weliba saluug laga qabay.

Madaxweyne dadka aad leedahay isoo dhaweeya waa kuwa jufadaada hoose ay ka magacaabis badan yihiin, kana maamuus dhow yihiin agtaada.

Bilaahi calaykum reer Awdaloow madax dhaqamaeedkiina cadceeda ha u loogina, oo sharafta ha ka qaadina, Muuse waa Muuse uune”

More in focus

To Top