Connect with us

somalilandtoday.com

ECOWAS Oo Codsatay In Lasii Daayo Madaxweynihii Guinea

focus

ECOWAS Oo Codsatay In Lasii Daayo Madaxweynihii Guinea

ECOWAS Oo Codsatay In Lasii Daayo Madaxweynihii Guinea

(SLT-Guinea)-Urur Goballeedka ECOWAS ee galbeedka Afrika ayaa ugu baaqay millatariga inqilaabay xukuumadii Guinea inay si deg deg ah kusii daayaan Madaxweynihii ay afgembiyeen Alpha Conde.

Maanta oo Khamiis ah ayaa lagu wadaa in dalka Guinea ay soo gaadhaan wafti ka socda urur Goballeedka ECOWAS oo ku hanjabay inay cunaqabateyn saari doonaan millatariga Guinea.

Kulan deg-deg ah oo ay shalay yeesheen dalalka xubnaha ka ah ECOWAS ayaa dalka Guinea si kumeel gaadh ah looga joojiyey xubinimadii ururkaasi, walow ayna jirin cunaqabateyn adag oo lagu soo rogay dalkaasi. ECOWAS ayaa hore cunaqabateyn u saartay waddanka Mali oo si lamid ah Guinea uga dhacay inqilaab millatari.

More in focus

To Top