Connect with us

somalilandtoday.com

Minnesota: Laba Jir Soomaali Ah Oo Meydkeeda Laga Helay Haro Biyo Ah

focus

Minnesota: Laba Jir Soomaali Ah Oo Meydkeeda Laga Helay Haro Biyo Ah

Minnesota: Laba Jir Soomaali Ah Oo Meydkeeda Laga Helay Haro Biyo Ah

(SLT-Minnesota)-Waaxda booliska magaalada Edina ee gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadinayay, kaddib markii qoyskeedu ay waayeen.

Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan reerkeeda.

Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhow magaalo ka kala yimid ayaa baadhitaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabadh yar oo la xanuunsaneyd cudurka Austism-ka

“Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay qalbiyadenna” ayuu yidhi taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.

Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid kulan baroordiiq ah iyo duco ahaa.

Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu haraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof.

More in focus

To Top