Connect with us

somalilandtoday.com

Puntland Oo Taageertay Raysal Wasaaraha Soomaaliya

News

Puntland Oo Taageertay Raysal Wasaaraha Soomaaliya

Puntland Oo Taageertay Raysal Wasaaraha Soomaaliya

Maamul gobolleedka Puntland ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya ku boggaadisay tallaabadii uu shaqada kaga joojiyay agaasimihii hay’adda nabad sugida ee NISA, Fahad Yaasiin.

Waxay Puntland tallaaabadaas u aragtaa mid kamid ah doorkiisa hoggaamineed ee raysal wasaaruhu ka qaadanayo hoggaaminta amniga Qaranka waqtigan kala guurka ah.

Puntland waxay sidoo kale raysal wasaaraha ku taageertay dedaalka uu ugu jiro sidii looga gun gaadhi lahaa xaaladda Kiiska Ikraan Tahliil iyo in qoyskeeda ay helaan caddaalad ku filan.

Waa maaamulkii labaad ee taageera shaqo ka joojinta Fahad Yaasiin, xilli madaxtooyada Soomaaliya ay ka hortimid go’aanka raysal wasaaraha, soona saartay qoraal lagu burinayo go’aankaas.

Arrinta Ikraan Tahliil ayaa laga yaabaa in ay saamayn ku yeelato geeddi socodka doorashada, inkastoo madaxweynaha Soomaaliya uu xalay la kulmay taliye Bashiir Goobe, lamase oga waxa uu kulankooda ku saabsanaa.

More in News

To Top