Connect with us

somalilandtoday.com

“Jabuuti Kuma Faraxsana Dekedda Berbera, Somaliland Waxa Ay U Diyaargaroobaysaa Ka Qaybgalka Dagaalka Loogu Jiro Dekadaha” Financial Times

focus

“Jabuuti Kuma Faraxsana Dekedda Berbera, Somaliland Waxa Ay U Diyaargaroobaysaa Ka Qaybgalka Dagaalka Loogu Jiro Dekadaha” Financial Times

“Jabuuti Kuma Faraxsana Dekedda Berbera, Somaliland Waxa Ay U Diyaargaroobaysaa Ka Qaybgalka Dagaalka Loogu Jiro Dekadaha” Financial Times

“Somaliland Waxa ay u diyaargaroobaysaa ka Qaybgalka Dagaalka loogu Jiro Dekadaha” Financial Times

“Jabuuti boqolkiiba boqol kuma faraxsana maalgashiga DP World ku samaysay Berbera.”  Maayirka Berbera.

Waxa sidan ciwaan looga dhigay maqaal lagu qoray wargeyska Financial Times oo ah mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan dunida, ka na faallooda ganacsiga iyo dhaqaalaha taariikhdu markii ay ahayd 2-dii September 2021. 

Markab sita calanka dalka Itoobiya oo ku soo xidhay dekedda Berbera ayaa rogay shixnado sonkor iyo bariis uu ka keenay dalka Hindiya, taas oo tilmaan u ah in Jamhuuriyadda Somaliland gashay marxalad cusub oo ganacsiga caalamiga ah. Waxa mahadda isk leh maalgashiga 442 milyan ee shirkadda dekedaha caalamiga ah Dubay ee DP World ku samaysay dekedda. Berbara ayaa soo ceshanaysa ganacsigii qadiimka ahaa ee ay qarniyo badan la lahayd dunida, waxa ayna bilaabaysaa in ay dagaal u gasho marin badeedka saddex meelood meel doonyaha dunidu maraan. Dekedda Berbera oo dhawaan la cusboonaysiiyey ayaa muuqata in ay noqonayso mid beddesha dekedda Jabuuti oo noqon doonta albaabka laga galo marinnada ganacsi ee Kanaalka Suways.

Berbera mar waxa ay ahayd magaalo madaxdii maxmiyaddii Ingiriiska ee Somaliland (magaaladii uu ka soo dagay). Berbera ka hor intii aanay ku burburin dagaalladii soddon sano ka hor, qarniyo badan waxa ay xarun u ahayd ganacsiyadii badaha ee u dhexeeyey Geeska Afrika, Jasiiradda Carabta iyo Hindiya muhiimadda halka ay ku taal awgeed ee Gacanka Cadmeed.

Hadda, “waxa aanu haysannaa fursad kale oo aanu ku noqonno xarun ganacsi oo caalami ah,” sidaas waxa yidhi maayirka Berbera, Cabdishakuur Maxamed Xasan. Dibadda xafiiskiisa, tirooyin geel ah iyo kadinno adhi ah ayaa lagu sii wadaa dekedda oo loo dhoofinayo dekedda Jiddah ee Sacuudiga. “waxa jiri doona tartan toolmoon oo u dhaxeeya dekedaha jaarka ah,” sidaas ayaa u ku daray maayirku.

Dekedda Berbera oo xadhiga laga jaray Bishii June, waxa ay qaabili kartaa maraakibta ugu waaweyn dunida. Shixnadaha ay qaadi karto waxa laga soo kordhiyay 150,000 TEU (cabbirka shixnadaha) sannadkii iyada oo la gaadhsiiyey 500,000 TEU ah sannadkii. Waxa sidoo kale laga shaqaynayaa in la gaadhsiiyo sannadkii laba milyan. U jeeddada ugu weyn ee dakaddu  waa in ay u adeegto Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika. Itoobiya ayaa ah waddan u baahan meelo badan oo laga soo galo sida uu sheegay Supachai Wattanaveerachai, maareeyaha guud ee DP world ee Berbera.

Marka la eego waxqabadka warshadaha adduunka, sannadkan 2021 Baanka Adduunka iyo HIS Markit waxa ay dekedda Jabuuti ku qiimeeyeen dekedda ugu shaqada wanaagsan Afrika, iyada oo lagu qiimeeyay inta daqiiqo ee shixnad kasta lagu qaaday… hase ahaatee, tartanka ayaa xoogaystay ka dib markii ay DP World ay timi Somaliland ee ay tartan fool ka fool ah la gashay Jabuuti. 

…Suldaan Axmed Binu Sulaymaan, Maareeyaha guud ee DP World ayaa sheegay in Berbera ay noqon doontaa mid aad ugu habboon ganacsiga gobolka ka socda, gaar ahaan shixnadaha u socda dalka Itoobiya. “waxa aanu aaminsannahay in jidka Berbera eek u xidhaya Addis Ababa fure u noqon doono faa’idooyin dhaqaale oo waaweyn oo u soo hoyda Itoobiya”. Ayaa uu yidhi. Yididiilooyinkan waddamada jaarku ma ay soo dhaweyn sida uu qabo Maayirka Berbera, waxa uu yidhi: “boqolkiiba boqol kuma faraxsana Jabuuti maalgashiga DP World ku samaysay Berbera.”          

…sidoo kale, mashruuca jidka isku xidhaya Berbera iyo magaalo xuduudeedka Wajaale ayaa la rajaynayaa in uu dhamaado sannadka 2022, wali na waxa ay Somaliland u baahantahay in ay horumariso kaabayaasha dhaqaale oo aanay helayn dhinacyo badan oo u maalgaliya sababta oo ah waa dal aan wali la aqoonsanayn. Si ka duwan Jabuuti oo maalgalin badan ka hesha Shiinaha, Somaliland waxa ay xidhiidh la leedahay Taywaan.

Hase ahaatee, wax badan ayaa ku xidhan xaaladda siyaasadeed ee dalka Itoobiya, dalweynahan gobolka ku yaalla ayaa ah macmiilka ugu muhiimsan ee dekedahu u loollamayaan. Tobonaankii sanno ee la soo dhaafay, Itoobiya mucjiso korodh dhaqaale oo la mid ah habkii waddamada Eeshiya ayaa ay ku tallaabsatay iyada oo dhaqaalaheedu korayay celcelis 9.4 boqolkiiba sannadkii. Hase ahaatee, faafiddii Karoonaha iyo dagaalka sokeeye eek a bilaabmay ayaa carqaladeeyey korodhkaas.

W.T: Maxamuud Bulxan

More in focus

To Top