Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Iyo Qadar Oo Caawinaya Taalibaan

focus

Turkiga Iyo Qadar Oo Caawinaya Taalibaan

Turkiga Iyo Qadar Oo Caawinaya Taalibaan

(SLT-Kabul)-Dowladda Qadar ayaa Khamiistii sheegtay inay kala shaqayneyso Taalibaan sidii si dhaqso ah dib loogu furi lahaa garoonka diyaaradaha ee Kabul, oo xidhitaankiisa ay keeni karto caqabado waaweyn oo istiraatiiji ah iyo kuwo bani’aadamnimo.

Garoonka Hamid Karzai ayaa xidhan tan iyo markii ay ka baxeen ciidamada Mareykanka, waxaana diyaarad ka timid dalka khaliijka ee Qadar ay ahayd diyaaraddii ugu horraysay oo soo caga -dhigata caasimadda Afghanistan Arbacadii tan iyo markii daadgureyn xowliga aheyd la soo afjaray.

Diyaarad ka timid Doha ayaa ka degtay Kabul Khamiistii, iyadoo sidday khubaro baadhitaan ku sameyn doona dhinacyada amniga iyo howlaha ku saabsan garoonka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow arrintan.

“Waxaan weli ku rajo weynahay inaan si dhaqso ah u hawlgalin doonno garoonka diyaaraha,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qadar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani, oo dalkiisu xiriir dhow la leeyahay Taalibaan oo la wareegtay gacan ku haynta Kabul 15-kii Ogosto.

Turkiga ayaa isna sheegay Khamiistii inay “qiimeynayaan” soo jeedinnada Taalibaan ee ku saabsan garoonka diyaaradaha, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda Mevlut Cavusoglu uu sheegay in amniga “gudaha iyo dibaddaba” ee garoonka ay tahay mudnaanta koowaad.

Sarkaal ka tirsan waaxda duulista rayidka ee Afghanistan ayaa u sheegay Al-Jazeera oo laga leeyahay Qadar in Kabul ay bilaabi doonto howlaha garoonka diyaaradaha “dhawaan’, wuxuuna intaas ku daray in duulimaadyada gudaha ay billaabanayaan maanta oo Jimce ah.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top