Connect with us

somalilandtoday.com

“Musharrax Madaxweyne Cirro Waa In Aanay Hodin Guushii Ugubka Ku Ahayd Somaliland Iyo Guud Ahaan Afrikaba Ee Uu Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI Ka Soo Hooyey Doorashadii…” Xildhibaan Kucadeeye

focus

Dareenka iyo filashadu halkii Shalay ma joogaan.

Musharrax Madaxweyne Cirro waa in aanay hodin guushii ugubka ku ahayd Somaliland iyo guud ahaan Afrikaba ee uu Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ka soo hooyey doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay 31 May 2021 oo Xisbiga Waddani heley tirada xildhibaanada ugu badan iyo hogaanka Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland sidoo kale uu ku hantiyey badiba Maayirada Degmooyinka A da ah ee dalka.
Sababtoo ah lama kala dooranayn KULMIYE, UCID IYO WADDANI ee waxa la kala dooranayey qofaf iyo haldoor ka kala sharraxnaa Xibiyadan.
Sidaa daraadeed waa in aanay Gudoomiye Cirro seegin saddex arrimood:
1- Dib u qaabaynta iyo salballaadhinta dhismaha Xisbiga WADDANI.
2- Curinta iyo hal abuuridda barnaamij iyo aragti togan oo qodaxda iyo shilintaba laga guray oo Bulshada reer Somaliland laga iibiyo.
3- Xulashada haldoor iyo aqoon-yahan xambaara barnaamijka iyo aragtida Xisbiga lana jaanqaada dareenka iyo fikirka maanta oo ka duwan dareenkii iyo fikirkii shalay.

ALLAA MAHAD LEH
La soco …

Qaybta 3aad

Waxa qoray, Xildhibaan Sh. Axmed Dayib Aaden kucadeeye

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top