Connect with us

somalilandtoday.com

WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Uu Qabsanayo Shirweynihii Xisbigaasi

focus

WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Uu Qabsanayo Shirweynihii Xisbigaasi

WADDANI Oo Ku Dhawaaqay Wakhtiga Uu Qabsanayo Shirweynihii Xisbigaasi

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu qabsanayo shirweynihii Xisbigaasi dabayaaqada bisha soo socota ee October.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani, Khadar Xuseen ayaa sheegay in shirkoodu qabsoomo dooni 30 illaa 31-ka bisha tobnaad ee soo socda, kaas oo ka dhici doona Magaalada Hargeysa.

Shirweynahan Waddani oo ah kii labaad ee yy qabsado tan iyo markii la aasaasay 9 sanno ka hor, ayaa la filayaa in lagu doorto hoggaanka cusub ee Xisbiga Waddani, hoggaamin doona.

Xubnaha Hoggaanka ee la filayo in lagu doorto Shirweynahan, waxa ka mid ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani,Ku-ixigeennada iyo Xoghayaha guud.

Xisbiga Waddani, oo isla sannadkan qabsaday shirkiisii golaha dhexe ayaa hore u doortay murrashaxiinta Xisbiga uga qayb galaya doorashada madaxtinimada ee Novermber 2022-ka, iyada oo Cabdiraxmaan Cirro iyo Maxamed aw Cabdi loo doortay in ay noqdaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo kuxigeenka, halkan hoose ka Daawo

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top