Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Biixi Oo Odayaal Ergo Ah Oo Beeshiisa Ah U Diray Beesha Barriga Burco Iyo Isabahaysigii Siyaasadeed Ee Jeegaanta Oo Dib Loo Istaadhayo

focus

Madaxweyne Biixi Oo Odayaal Ergo Ah Oo Beeshiisa Ah U Diray Beesha Barriga Burco Iyo Isabahaysigii Siyaasadeed Ee Jeegaanta Oo Dib Loo Istaadhayo

Madaxweyne Biixi Oo Odayaal Ergo Ah Oo Beeshiisa Ah U Diray Beesha Barriga Burco Iyo Isabahaysigii Siyaasadeed Ee Jeegaanta Oo Dib Loo Istaadhayo

Madaxweynaha Somaliland ahna Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ayaa la sheegay inuu muddooyinkii ugu dambeeyey uu shirar doceed-yo la lahaa Madax-dhaqameedka iyo haldoorka Beeshiisa,waxaanu u sheegay in loo baahan yahay in dib la isugu soo ururriyo taageerayaasha Xisbiga,isla markaana dib loo hawlgeliyo guddiyaddii.

Siyaasi Maxamed Qarbooshe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu kullan la yeeshay Madax-dhaqameedka iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise Muuse,kaas oo uu sheegay in Madaxweyne Biixi uu kala hadlay arrimahan”Kullankaas waxa la kulmay Madaxweynaha dhawr iyo toban illaa labaatan nin,kullan-kaas oo iskugu jira dhawr nooc qollada siyaasiyiinta ahi waxay ahayeen qaar rajanayey inay sannadkaa Madaxweynaha u hadhay ay kuraas ka hellaan, Madax-dhaqameedkana waxa hoggaaminayey qoladda siyaasiyiinta ah oo iyagana Madaxweynuhu u yeedhay oo uu yidhi waxaan doonnayaa in dadkii la isku soo ururriyo oo degmaddii iyo Gobolkii iyo guddiyaddii reerka iyo wax la isku soo ururriyo ” ayuu yidhi Maxamed Qarbooshe

Siyaasi Qarbooshe ayaa intaas ku daray”Dadka afar sanno ka hor la kale eryey hadda wax laga soo ururriyaaa ma jiraan,dalkuna waa xisbiyo ee beelihii iyo wixii waa laga baxay,Madaxweynuhu inuu u yeedho mahaa oo uu yidhaah iisoo gurmadda oo kursiga mar labaad ha la is saaro.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Abwaan Cismaan kujare ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi shirar doceedyo uu la yeeshay Beeshiisa uu kadib madax-dhaqameedka Beeshiisa ergo ugu soo diray Beesha Habar-jeclo,kuwaas oo ku soo jihaysan “Guul-darradii iyo jabkii ka soo gaadhay Madaxweyne Biixi doorashooyinkii kadib waxa igu maqaallo ah in Madaxweyne Biixi uu u yeedhay odayaal Beeshooda ah oo uu ku yidhi raadiya dadkii macaamiisha u ahaa iyo taageerayaashii Xisbiga KULMIYE,gaar ahaan Beeshii aynu Jeegaanta isku ahayn ee aan shirkaddahoodii xidhay ,shaqaallahoodiina eryay, hudheeladoodiina xidhay .”Ayuu yidhiCismaan kujare ayaa intaas ku sii daray “Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE ballantii aan la galayna aan kaga baxay orda oo raadiya oo la furra wadda haddal si aynu rejadii Xisbiga KULMIYE dib ugu soo celino,mar labaadna aynu kursiga ugu soo noqono ”ayuu yidhi
Gunaanadkii Abwaan Cismaan ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in aanu soo lugoyn odayaasha,isla markaana ay arrintaas dhaaftay halkii wax laga qaban lahaa”waxaan ku odhan lahaa Madaxweyne odayaasha ha soo lugoyn arrintu halkii wax laga qaban lahaa wey dhaaftay.”

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top