Connect with us

somalilandtoday.com

“Kooda Siyaasiga Ah Iyo Kooda Xagjirka Ahi Waxa Ay Ka Midaysanyihiin In Aanay Somaliland Wax Horumar Ah Gaadhin…” Somaliland Oo U Jawaabtay Sheekh Xasan Daahir Aways

focus

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul ugu jawaabtay hadal ka soo yeedhay Sheekh Xasan Daahir Aways

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex Khadar Baaruud ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku yidhi sida tan:

“Hadalkaan xagoodii u gartaan ka xumadoodaaye, waar yaa loo xayaysiinayaa Xamartu waa tiiye” Abwaan xildhibaan Dheeg.

Kooda siyaasiga ah iyo kooda xagjirka ahi waxa ay ka midaysanyihiin in aanay Somaliland wax horumar ah gaadhin waxaanay ku riyoodaan inay qasaan ama qabsadaan, wixii scholarship ahaa ee dawladaha christianka, Yahuuda  iyo Muslimkaba ay kasoo qaateen sida muuqata wuu ku filnaan waayey, shamac yaroo Somaliland kasoo dhex ifaya ayaa indho tiray oo ay toosh weyn u wada qaateen.

Xamar marnaba Hargeysa ku gaadhi mayso diin iyo dhaqan wanaagsan oo waxaa jooga Hargeysa dad dhaxalkii awowyadood aan sinaba lagaga furfuri karin, markii la isku darsaday 1960 sida taariikhda ku xardhan waxa indhaha ujeexay mugdigii muqdisho yaalay ee talyaanugu kaga tagay aqoonyahankii iyo waxgaradkii ku jeeniqaarnaa diinta iyo dhaqanka wanaagsan ee saafiga ah.

Somaliland maanta Dawlad iyo shacabk waa dad foojigan oon gaal islaam midina siri karin.

Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Maroodi Jeex

Khadar Baaruud

More in focus

To Top