Connect with us

somalilandtoday.com

WADDANI Oo Madaxweyne Biixi Waydiiyay Su’aal Ah “Ilaa Goorma ayaa Somaliland Bilaa wasiir Arrimo dibadeed ahaanaysa”? Iyo Xukuumadda Oo U Jawaabtay

focus

Xisbiga Waddani Oo Madaxweyne Muuse Biixi Fariin Su’aal Xambaarsan Baraha Bulshadda u Mariyey ??

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani  Khadar Xuseen Cabdi oo Fariintani Facebook giisa ku soo qoray waxay u dhignayd Sidan.

Mudane madaxwayne;

Maanta gobolka aynu ku noolahay iyo dunidaba waxaa ka socda isbeddelo waawayn oo siyaasi ah, saamayna inagu yeelan kara.

Sidaas awgeed, waxa aan is weydiinayaa illaa goorma ayaa ay Somaliland sii ahaan kartaa bilaa wasiir arrimo dibadeed?!!

Dhan kale Wasiir ku-xigeenka arimaha dibada Somaliland Liibaan Yusuf Cismaan oo u Jawaabaya Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Waddani ayaa yidhi :-

“Xoghaye: wasaaraddaha iyo Hayaddaha Dawladu waxay ay leehiyiin qaab dhismeed kala Sareeya (Hierarchical Structure) Hadi cidi Maqantahay Buuxisa Kaalinti Banaan, Mana Ah Sida Xisbiga Aad Xoghayaha Ka tahay Wax Qof Kali Ahi Jeebka ku sito (One Man show) oo la’antii  aanay waxba Socon.

Duruufaha siyaasadeed Ee geeska ka jira Dawladda kaliya ee Ka dabaalatay, dhan siyaasadeed, Mid dhaqaale Iyo mid Amniba Wa Jamhuuriyadda Somaliland( Aduunka iyo inta Somaliland Jeclbaana Ogg oo ku faanta).

Hadal Haynta ereyga Suuqdiga ah ee (Isbadaladda Geeskana) Haku anbanin Xoghaye Xog-ogaal uma Tihide.

Wasaaarda Arrimaha Dibaduna wasiir way yeelanaysaa Imikana Baylahi Majirto.

Allah Mahadleh.

More in focus

To Top