Connect with us

somalilandtoday.com

“Mudane Gudoomiye Dadka Reer Somaliland Waxa Ay U Dhimanayaan Xirfad Xumada Dadka Ka Ganacsada Farmasiiyada Dawooyinka Lagu Iibiyo….” Farriin Ku Socota Shir-gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland

focus

“Mudane Gudoomiye Dadka Reer Somaliland Waxa Ay U Dhimanayaan Xirfad Xumada Dadka Ka Ganacsada Farmasiiyada Dawooyinka Lagu Iibiyo….” Farriin Ku Socota Shir-gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland

“Mudane Gudoomiye Dadka Reer Somaliland Waxa Ay U Dhimanayaan Xirfad Xumada Dadka Ka Ganacsada Farmasiiyada Dawooyinka Lagu Iibiyo….” Farriin Ku Socota Shir-gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Farriin Ku Socota Shir-gudoonka Golaha Wakiilada Somaliland, Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Mudane Gudoomiye,

Bulshada reer Somaliland muddo badan ayay sugayeen in gole cusub oo si dhab ah u matala, baahidooda sharcina gufeeya la helo. Bulsahdu waxay baahi weyn u qabtaa in la abuuro xeerar iyo shuruuc cusub wax-ka-badel iyo kaabisna lagu sameeyo xeerar noloshooda ilaaliya, nidaamka dawladnimana kobciya, kala dambaynta iyo sarraynta sharciguna u noqdo mid hir gala oo lagu wada xisaabtamo.

Somaliland 30 sano oo ay jirtey bulshadu wali may helin xeerar badan oo mudnaan u leh arimaha noloshoodana taabanaya, golihii idinka horeeyey 16 sano oo ay kuraasta ku fadhiyeen kamay jawaabin baahi badan oo shuruuced iyo masuuliyaadkii uu dastuurku saarey bulshaduna ay u wakiilatay.

Mudane Gudoomiye, shacabka Somaliland waxay u haraadanyihiin xeerar ka xakameeya ganacsatada cuntada usoo dajisa ee u keeneysa cuntooyinka tayadoodu aadka u hooseyso ama dhacay, Mudane Gudoomiye dadkeena waxa loo soo dajiyaa dawooyinka ugu tayada xun iyo dawooyinka laga joojiyey aduunka intiisa kale in qof ibni-aadana ah lagu daweeyo.  

Mudane Gudoomiye dadka reer somaliland waxa ay u dhimanayaan xirfad xumada dadka ka ganacsada farmasiiyada dawooyinka lagu iibiyo, iyagoo dadka ka iibiya dawooyin aan digtoor usoo qorin iyo iney iyaguba siiyan dawo aaney xanuunkeedi ka baadhin. Dhanka kale maalinkasta waxa cisbitaalada ku naf baxa hooyo fooshu ku adkaatay, kadibna dhakhaatiirtu u soo bandhigeen in qalliin lagu sameeyo, dhibaatada jirtana aan dhakhtarna qalliin ku samayn karayn hooyadaa iyadoo ninkeedu ama waalidkeed sexeexo mooyaane, inta la raadinayo ninkii saxeexi lahaana isku go’da oo halkaa ku nafweyda iyada iyo il-muhuba.

Mudane Gudoomiye, waxa jirta shuruuc badan oo haddii la helo laga badbaadi doono in maalinkasta askari qof shiciba ugu xadgudbo oo si ula kaca gacantana ugu qaado magaalooyinka dalka waliba wadooyinka dhexdooda taasina ay tahay sidoo kale waxaynu aragnaa askari dad aan danbi faraha kula jirin xidhaya isagoon u haysan amar maxkamadeed oo soo qabasho (warrant).

Mudane Gudoomiye, waxa jira tacadiyo kala duwan oo asoo gadha haweenka iyo caruurta reer Somaliland sida kufsiga, dilka hadidaada iyo jidhdil, isla markaana aanay jirin shuruuc ilaalinaysa, cadaaladna siinaysa dhibanaha, aciqaabaysana eedaysanaha.

Mudane Gudoomiye maka warqabtaa in maxkamadaha ay ku kala tagaan qoysas aan la xisabinkarin halkaas oo ay xuquuqdoodi kuwaayan caruur aan waxba galabsan, sidoo kale ay ku lumo oo hoos u dhacaya ku yimado qimayamkii iyo qayihii guurku lahaa kaas oo aney jirin wax lagu yareynkaro.

Mudane gudoomiye ma ogtahay in caruurta yaryar ee lasoo xidhxidhaa in jeelalka dadka waaweyn lagula xidho, in ciqaabta la mariyo ay lamid tahay ta dadka qaangaadhka taas oo ayna xaq ulahayn, in darbijiifka Somaliland uu aad ugu dhibateysanyahay sidaasowy tahay malinba malinta ka danbeysa ku so badanayan dalka.

Mudane Gudoomiye Somaliland 30 sano oo ay jirtey dumarku matalaad dhaba kumey yeelan talada dalka isla markana ayna lahayn kooto u xidhaysa inta ay xaqa uleeyihiin madamoy adagtahay in si madax banaan uga soo dhexbaxan bulshada, duruufaha dhaqan iyo dhaqaale ee dalka ka jiraa awgeed.

Mudane gudoomiye waxa dalkeena iyo diinteba ceeb ku ah in uu dalka ka shaqeeyo xeerka jinsiyada [citizenship] in ilmaha ku dhashey Somaliland ee qabilada aan Somaliland dagin kasoo jeeda loo aqoonsado ajaanib, halka diintu u aqoonsatahay ajaanib kaliya qofka aan islamka ahayn oo kaliya. Isla markana uu si cad uga soo horjeedo dastuurka qodobka 5aad faqradisa 2aad oo si cad u shegaya ( Xeerarka dalka waxa laga qadanayaa shareecada islamka waxa reeban wixii xeree kasoo horjeeda).

Mudane gudoomiye waqtigan la joogo Somaliland xeerarka ay ugu baahi badanyihiin waxa ka mid ah xeerarkan hoos ku xusan:

1.​Xeerka Cafimaadka (medical law)

2.​Xeerka Booliska (Police Act)

3.​Xeerka ka hortagga kufsiga (Rape Act)

4.​Wax-kabadelks xeerka jinsiyada (Xeer Lr 20/2002)

5.​Xeerka qoyska (family law)

6.​Meel marinta qoondada haweenka iyo beelaha Gabooye

7.​Xeerka Caruurta (juvenile law)

8.Xeerka Cidhibtirka Gudniinka

9.xeerka saxafada

Fiiro gaara,

Mudane gudoomiye maadamoyna golaha ku jirin bulshada qeybteeda u badan ee dumarku waxaan kaa cosaneynaa inaad marka aad xeerarka sameyneysaan aad qabsataan dumar idinkala taliya xeerarka khuseeya arimaha dumarka iyo caruurta.

Bulshadu hadii aanay helin xeer ama sharci kala xadeynaya waxa u danbeysa sida wadamo badanba ku dhacda burbur, waxa laga dhaxlaa dawlad la’aan iyo cawaaqib xumo.

W/Q Xamda Raage. Sharciyaqaan baahi weyn u qabta in dalku helo shurruc iyo xeerar kor u qaada.

More in focus

To Top