Connect with us

somalilandtoday.com

Taariikh Nololeedka Muftiga Sheekh Maxammad Sh. Cumar Dirir

focus

Taariikh Nololeedka Muftiga Sheekh Maxammad Sh. Cumar Dirir

Taariikh Nololeedka Muftiga Sheekh Maxammad Sh. Cumar Dirir

Hordhac

Sh. Maxamad Sh. Cumer Dirir, waa sheekh caan ah oo dhammaan geyiga Soomaaliyeed laga wada yaqaanno. Waa daaci, wadaad, aqoonyahan, Mufasir, Khaddiib, Macallin, Mufti iyo Barofaseer. Aad baa loo yaqaannaa Sheekha, wuxuuna ku caan yahay Tafsiirka Qur’aanka kariimka ah, oo uu Idaacadaha iyo muuqbaahiyayaasha ka akhriyaa.

Waa Sheekh innagu wada qaali ah oo aynnu wax badan ka barannay. Inyar ayaynnu dul istaagi doonnaa sooyaalkiisa soojireenka ah.

Waxyaabaha aynnu dul istaagi doonno intaynu maqaalkan ku jirno waxaa ka mid ah:

1- Dhalashadiisii (Halkuu ku dhashay, siduu u barbaaray, iyo halka uu ku barbaaray).

2- Waxbarashadiisii ( Halkii uu wax ka bartay, ciddii bartay, sidii uu u bartay iyo heerarkii kala geddisanaa ee uu usoo maray waxbarashada).

3- Aabbihii ka dib siduu noqday (Culimadii waxbartay dhimashadi aabbihii Cumer AHUN).

4- Dacwadda Diinta ( Xilligii uu dacwadda bilaabay, sidii uu u bilaabay… IWM).

5- Caqabadihii uu la kulmay ( Caqabadihii uu kala kulmay faafinta Dacwadda. Iyo sida uu ugu dhabar’adeygay ee uu uga adkeystay).

6- Waxqabadka Sheekha ( Waxyaabaha uu qabtay Sheekhu, doorkii uu ku lahaa xallinta khilaafaadka, shaqaaqooyinka iyo sidii uu dagaalladii Sokeeye qayb laxaad leh uga soo qaatay).

7- Ardeyda uu waxbaray (Ardeyda wax ka baratay ayaynu tixi doonaa… Goorta iyo goobtoodu in ay kala duwanayd ayaynu hoosta ka xarriiqi doonnaa).

Ugu danbayn, wa aan soo gunnaanadii doonaa oo waan innoo soo xidhi qormada haddii Alle yidhaa.

1- Dhalasho

Sannadkii 1963kii, ayuu Sheekh Maxammad Cumer Dirir, adduunyada korkeeda yimidday. Wuxuu ku dhashay Dalooburay oo Itoobbiya ku taalla, gaar ahaanna halka ay iska galaan Kililka Soomaalida iyo ka Orommadu. Sh. Maxammed waa curadka Aabbihii Sh. Cumer Dirir. Hargeysa ayuu ku hanaqaaday oo carruurnimadii ku cawayn jiray, sida uu waraysi ku sheegay Sheekhu, isaga oo ka warramaya wuxuu yidhi; “Hargeysa iyo agagaarkeega ayaan ku soo barbaaray.” Barbaarin wanaagsan oo Waalidnimo ayuu helay, ku barbaaray oo ku koray.

Qoys ehluddiin ah, oo Diinta si wanaagsan u yaqaanna ayuu ka soo jeeday. Adeerradii iyo qaraabadii ku dhawayd aad ayay Diinta u ixtiraami jireen oo ay u baran jireen; Sheekhu isaga oo ka warramaya Adeerradii iyo dadkii ehelkiisa ahaa waxa uu yidhi; “ Ilma Dirir shan ayay ahaayeen Afar baa culimmo ahaa……Qoys culimmo ah ayaa lagu yaqaannay oo ka soo qayb qaatay Diinta faafinteeda.”

2- Waxbarasho

Aabbihii Sh. Cumer Dirir, wuxuu ahaa Wadaad Caalin ah oo Diinta aad u yaqaan, isla markaanna dadka bara oo u faa’ideeya. Meelaha uu Sh. Cumer wax ka dhigay waxa ka mid ah Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, iyo meelo Itoobbiya ka mid ah. Haddaba, Sh. Maxammed na Aabbihii ayaa markii koowaad wax baray oo wax fahansiiyay. Macallinkiisii koowaad ee alifka u qabtaa waxa uu ahaa Aabbihii Sh. Cumer Dirir AHUN. Waxyaabaha uu ka qaatay waxa ka mid ah Fiqiga, Axaadiista, Naxwaha iyo Qur’aanka. Qofka in uu Aabbihii waxbaro wax ka wanaagsan la waa.

Waxoogaa ka dib markii Sh. Maxammed gaashaanqaad noqday, qiyaas ahaan sannadkii 1972kii, waxa geeriyooday Aabbihii iyo Macallinkiisii qaaliga ahaa ee Sh. Cumer Dirir AHUN. Waqtigaa da’da Sheekh Maxammed waxa ay ahayd 19 sano jir. Tiir wayn oo nolosha Sh. Maxammed ka baxay ayuu ahaa, waase qaddar Ilaahay oo qoran. Waxase arrin lagu farxo ah in Sh. Cumer ku duceysan jiray in Allah uu ka dhigo Sh. Maxammed mid ka dhaxla cilmiga. Dabcan, dhabbay noqotay oo innagaa ka marag ah sidey mustajaaba u noqotay ducadii Sh. Cumer AHUN.

Markuu yaraa wuxuu xoogga saari jiray xagga barashada Diinta. Asaaggii qaar ayaa la yaabi jiray oo ku wiirsan jiray mararka qaar; sida uu ku sheegay waraysi uu bixiyay, wuxuu yidhi; ‘ Siddeetameeyadii markii aannu cilmiga ku dhexjirnay da’ yartu waynala yaabbi jireen… waxay nagu odhan jireen; “ Malcaamad yar iyo masaajid yar ayaad dhex warwareegtaan. Malaha waxa kuu fiican inaad waxaad shaqo fiican aad ku helaysaan raadsataan.” [Halkan ka daawo waraysiga Sheekha oo warramaya arrintaa (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )]

3- Aabbihii ka dib

Sh. Maxammed Aabbihii ka dib Culimmo badan ayaa Diinta u dhigtay. Culimmada u dhigtay waxa ka mid ahaa: kuwo u dhashay Qawmiyadda Orommada. Dugsiyo kala duwan iyo goobo kala geddisan oo waxyaabo badan lagu barto ayuu wax ka bartay oo ka qallinjebiyay Sh. Maxammed, Aabbihii dabadii. Maddarasado Hargeysa ku yaallay ayuu wax ka bartay, halka luuqadda Carabigana uu ka bartay Macallimiin Masaari ah oo loo soo diray Soomaaliya. Macallimiin Sucuudiga ka iman jirtay laftooda waxbuu ka bartay Sheekhu.

Sannadkii 1982kii ilaa 1984kii, Sh. Maxamed wuxuu u baqoolay Dalka Masar, wuxuuna galay imtixaan Dugsi Sare ah, wuuna ku guuleystay. Dabadeed, dadaal dheerada ayuu sameeyay oo isagaa isdabaqabtay oo wax isbaray. Sannadkii 1996kii, wuxuu Sheekhu u dhoofay Waddanka Bakistaan ee ku yaalla Koonfurta Eeshiya.

Imtixaan Jaamacadeed ayuu galay, wuuna ku guuleystay. Jaamacadda la yidhaa ‘Al-Wifaaq Al-Islaamiya’ oo dalka Baakistaan ku taal ayuu Shaahadada sare ee Masterta ka diyaariyay. Kulliyadda uu qaatay ee uu diyaarinayay waxa ay ahayd ‘ Daraasaadka Islaamka iyo Luuqadda Carabiga.’

Sannadkii 1999kii, wuxuu booqday Dalka Masar, isaga oo la kulmay Culimmo badan, sida ‘ Shaykhul Azhar.’ Dawro ayuu ku soo qaatay isla Dalka Masar. Xalqadooyinka Masaajidda ayuu Sh. Maxammed aad uga faa’deystay oo uu ku taxnaan jiray, tan iyo intuu waxdhigashada bilaabay.

Sheekhu Jaadad kala duwan oo aqoonta ah ayuu yaqaan oo uu ku takhasusay. Waxaanna ka mid ah:

1) Tafsiirka Qur’aanka.

2) Luuqadda Carabiga.

3) Musdalax Alxadiis.

4) Alfiqi.

5) Usuul Alfiqi.

6) Cilmi Al-tajweed.

7) Cilmiga Caqiidada.

Description: 😎Naxwaha.

9) Culuumta Qur’aanka ee kala geddisan.

10) Cilmiga Aayadaha

11) Cilmiya todobbada dariiqo ee qur’aanka loo akhriyo.

12) Taariikhda Shareecada.

13) Asraarta Shareecada Iwm.

Tafsiirka Qur’aanka

Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah caan ayuu ku yahay oo marar badan ayuu akhriyay, illaa haddana wuu ka akhriyaa. Markii ugu horraysay akhrinta Tafsiirka wuxuu bilaabay 1986kii. Waxaanna markii ugu horraysay laga sii daayay Idaacaddii Hargaysa sannadkii 1991kii, halka Muuqbaahiyahana laga sii daayay 1996kii. Maqaal Kalhore laga diyaariyay ayaa lagu sheegay sidaa (http://waxsansheeg.com/?p=60867 )

Qur’aanka in badan ayuu dhammeeyay oo Tafsiirkiisa gunaanaday. Maqaal 2016kii laga qoray waxa lagu sheegay inuu 7 jeer dhammeeyay Qur’aanka, kuna dhammeeyay Masjidka uu maammulo ee Al-Huda (Rusheeye).

Sidoo kale wuxuuu marar badan ka dhammeeyay Idaacadda (Radio Hargeysa) iyo Tv-ga Soomaalilaan. ((http://waxsansheeg.com/?p=60867 ). Ilaa hadda wuxuu ka marinayaa tafsiirka Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa. Idaacadda Radio Hargeysa iyo Muuqbaahiyayaasha kala duwan.

Axaadiista

Axaadiista aad buu ugu horreeyaa oo si fiican ayuu u daraaseeyay Sheekhu. Kutubta Axaadiista ah wuu akhriyaa, oo qaarkood wuuba duubay. Anigu waxa aan ka dhagaystay Kitaabka la yidhaa‘ Riyaadu As- Saalixiin.’ Kitaabkaa oo aan Canjalad duuban kaga dhagaystay Sheekha waan ka faa’idey oo waxbadan ayuu ku kala dhigdhigay. Qaabka uu isku saarayo iyo xarakaadka uu u yeelayo ayaa si fiican isoo jiitay. Qaab heersare ah oo lala ashqaraaro ayuu kaaga dhaadhicinayaa.

Luuqadda Carabiga

Carabiga waa culimmada ku horraysa ee aadka u taqaan. Kutub badan ayuu ka akhiyay oo dhigay. Qaarkood way duubanyihiin.

Naxwaha

Naxwaha aad u dhigaa oo uu u yaqaan. Markuu Qur’aanka Tafsiirayaba wuu sheegaa, oo wuu kala dhigdhigaa. Sideedabana, Qur’aanka si fiican uma Tafsiiri karo qof aan Naxwaha si wanaagsan u aqoon.

4- Dacwadda Diinta

Sheekhu Dacwadda waa ku caan oo isaga oo wada wacdiga ayuun baan ku garaadaystay. Sida la sheegay wuxuu Dacwadda bilaabay isaga oo da’diisu tahay 19 sano jira- illaa haddana wuu wadaa. Waa nimcad Ilaahay in qofku Diinta iyo Dacwadda yaraan ku bilaabo, muddo badanna wadaa. Xadiiskii Nebiga SCW ee ahaa ‘ Dhallinyaro ku barbaaray Cibaadada Ilaahay ayaa ka mid ah Toddobada maalinta aannu hadhka Alle mooyee hadh kale jirin loo hadhaynayo.’ Sheekha waan u rajaynayaa sidaas Xadiisku sheegayo, maaddaama uu yaraan Dacwadda Diinta ku bilaabay.

5- Caqabada uu kala Kulmay Faafinta Dacwadda Diinta

Sheykasta oo la bilaabaa caqabad iyo waxyaabo iska caabbina oo qofka ka horyimaadda ayuu leeyahay. Kolba caqabaddu waxa ay ku xidhantahay sheyga aad qabanayso. Haddii aad Diinta faafinayso, cidina lacag kugu siinayn waadka caqabad badanaysaa qofka aragti Xisbi faafinaya ee mushahar ama lacag ku qaata. Marka aad u banbaxdo in aad dadka gaadhsiiyo wixii adduunka ugu qiima badnaa oo Diinta ah, khatar way kula soo wajahaysaa. Sheekhu Dacwad faafin ayuu bilaabay isaga oo dar Alle u wadaya, caqabado ayaa ka horyimid. Caqabadahaa waxaa ka mid ah:

Description: 😎Dagaallo ayaa dalka ka dhacay, waxbadan oo geeddisocday ayay kharribeen dagaalladaasi. Sheekha, dagaalladaasi caqabad baaxad weyn ayay ku noqdeen. Mararka qaar waxaa dhacday in dacwaddaa loo xidhay.

T) Markaad meel gasho waxkasta u diyaargarow. Sheekha, waxa marbaa la isku dayay in laga takhalluso oo la dilo sannadkii 2001dii. Subax uu masaajidka tagay ayaa shirqool abaabulan loo dhigay, waxaanna u dhigay sida la sheegay; dad iska sannifay uun Sheekha. Alxamdulilaah, wuu ka badbaaday dilkaa, balse, waxaa la gaadhsiiyay dhaawac culus oo sababay in dhakhtar debadda ah loo qaado.

6- Waxqabadka Sheekha

Waxqabadka Sheekhu aad buu u ballaadhanyahay oo hal maqaal kuma soo koobi karno, kagamana bogan karo. Balse waxyar oo iftiimin ah ayaan ka soo qaadanaynaa waxqabadka Sheekha. Waxaanna ka mid ah:

Description: 😎Wuxuu Maxkamad Islaami ah ka aasaasay tuulada Gunburaha 1998kii. Tuuladaasi oo Aabbihii Sh. Cumer AHUN, masaajidkii ugu horreeyay uu ka dhisay. Waanna deegaanka uu ka soo jeedo Sheekhu.

T) Waxa kale oo uu Sheekhu aasaasay Maxkamadda Sharciga ee Hargeysa, sannadkii 1999kii. Isagana ayaana masuul ka noqday.

J) Waxa uu Sheekhu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyay ee aasaasay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee sannadlaha ah. Waxaynna aasaaseen sannadkii 1992kii.

X) Wuxuu Sheekhu bilaabay xafiiska Xujaajka oo dadka Xajka tagaya u fududeeya tagidda Xajka.

KH) Waddammo badan ayuu wacyigelin Diineed iyo baraarujin u tagay. Qaarkood waxa ay ku yaallaan Qaaradda Waqooyiga Ameerika iyo Qaaradda Yurub.

D) Sheekhu wuxuu kasoo qaybqaatay xallintii dagaalladii Sokeeye ee dalka ka dhacay. Sidoo kale dagaalbeeleedyo badan ayuu xalliyay oo meelo badan u tagay. Dad walaallo ah oo birta iska aslaya oo ishorfadhiya ayuu Wacdi iyo waano ku kala kiciyay. Arrintaa xallinta khilaafaadka iyo Walaalaynta wuu waday tan iyo dagaalladii Sokeeye ee dalka ka qarxay. Shaqaaqooyin badanna wuu xalliyay, waxa ugu danbaysay shaqaaqadii ka dhacday Ceel’afweyn gugan 2018ka, oo bishii Julaay Sheekha iyo culimmo kale soo xalliyeen.

R) Waxbaridda dadka iyo waanada waan ku caan Sheekhu, oo waa waxbadan abaal dadku ugu hayaan, Alle agtiisana abaalmarin wanaagsan aan uga rajaynayno.

S) Dagaalladii sokeeyey ee lagu hoobtay qayb laxaad leh ayuu ka soo qaatay. Meelo xabbadi dhawda ka hayso oo laba beeleed oo walaallo ahi isku gawracayaan ayaa intuu soo galo uu kala qaboojin jiray.

7- Ardeyda Uu Sheekhu Waxbaray

Kumannaan ardey ah oo adduunyada daafaheega ku kala filiqsan ayuu Sheekhu wax baray. Lama koobi karo, oo kansho uma haynno. Haddii aynnu tiriya is nidhaahnana qalinkaa innaga dhamman. Inyar oo lagaga maarmi karo kumannaanka uu Sheekhu aflixiyay ayaynnu halkan ku sheegi:

1- Sheekh Maxammed Aadan (Imaamka Masjidka Weyn ee Cali-Mataan).

2- Sheekh Cabdiraxmaan Axmed.

3- Sheekh Khadar Xasan Aadan (Khadar-Tajwiid).

4- Sheekh Cabdilkhaaliq Sheekh Axmed (Maammulaha Maddarasada Al-Shaadibbiya).

5- Sheekh Maxammed Xuseen Faarax (Madaxa Qaanuunka Jaamacadda Hargeysa).

6- Mubaarik Ibraahin Aar (Oo mar soo noqday Guddoomiyekuxigeenkii Jaamacadda Hargeysa).

7- Sheekh Maxammed Cayddiid.

8- Sheekh Aadan Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha Machaddada Ibnu Cabbaas ee Qur’aanka lagu daraaseeyo).

Dhammaan culimmadaas waaweyn ee hadda iyaguba dadka waxbara Sheekha ayaa wax soo baray goobo iyo gooro kala duwan. Waqtigoogu wuu kala duwanaa oo isku mar Sheekhu uma dhigin. Balse, Sheekhaa wax u wada dhigay. Ninba markii uu soo gaadhay uun buu Sheekha hoosfadhiistay oo Cilmigaa iyo waxbariddaa uu shubayo koobka hoos dhigtay oo ka qaatay.

Gunaanad

Sh. Maxammad Cumer, hadda waa mufti weyn oo su’aalaha la wayddiiyo. Qofba wixii ka shaki gala ee uu fahmi waayo wuu wayddiiyaa, Sheekhuna wuu uga jawaabaa. Barnaamijyo toddobaadle ah ayuu leeyahay oo wayddiimo lagu wayddiiyo.

Jimcaha Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee Hargeysa ayuu fadhiistaa, boqollaal qof ayaa telefoonka ka soo hadlo oo Sheekha halkaa su’aalo Diiniya ku wayddiiya. Sidoo kale Muuqbaahiyayaasha wuu fadhiistaa oo su’aalo la soo wayddiiyay ayuu ka jawaabaa. Sheekhu Casharro Tafsiir ah iyo kuwa kalana wuu akhriyaa. Hadda Tafsiir ayuu ka wadaa Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah.

Waa Imaamka iyo Khaddiibka Masaajidka weyn ee Suuqa Hargeysa ku yaal ee la yidhaa Al-Huda’ Rusheeye.’ Sheekhu sidoo kale waa macallin Jaamacadaha dalka wax ka dhiga. Fanniyo kala geddisan ayuu akhriyaa.

Sheekhu wuu caafimaad qabaa oo waa gadhmadoobe ordaya. Jidh ahaan muuq dhisan leh, Diin iyo nuur Iimaan ka muuqdo. Hargeysa ayuu ku noolyahay oo ku nabadqabaa. Xaas iyo Carruurtiisa ayuu la noolyahay. Allah cimriga iyo caafimaadka ha u dheereeyo.

Raadraacyo

https://nadawaad.wordpress.com/…/taariikh-nololeedka…/ ( Source: Salaanmedia.com ).

http://waxsansheeg.com/?p=60867 waxaa qoray (Cabdirisaaq Ismaaciil Cabdi oo ah mid kamid ah ardeyda ka qalin jabisey Jaamacadda Geeska Qeybta Diraasaadka Islaamka iyo Luuqada Carabiga waxaana isku habeyaay Ahmed Coday).

– Waraysi Sheekha lala yeeshay: (https://youtu.be/FvV7H6SXW7g )

W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

Boorama, Awdal.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top