Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif??

focus

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif??

Maxay Ka Wada-hadleen Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif??

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si kooban uga hadlay nuxurka kulan dhex-maray Madaxweynaha Somaliland, wasiirro ka tirsan xukuumadda iyo xubnaha shirguddoonka golaha wakiillada.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook-ga oo Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa waxa uu ku yidhi sida tan:

“Waxa aannu qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland kula yeelannay kulankii koowaad ee rasmi ah Madaxweynaha JSL oo ay wehelinayeen Wasiirro ka tirsan xukuumaddiisa si aanu uga wada hadalno isla markaana isula jeexjeexno wada shaqaynta Dastuurku waajibinayo ee ka dhaxeysa waaxda fulinta iyo waaxda sharci dajinta si loo helo isu dheelitirnaanta awooda Qaranka iyo Isla xisaabtanka Hay’adaha Dawladda.

Madaxweynaha iyo Wasiiraddiisa waxa aan uga mahadcelinaynaa sida qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen.”

More in focus

To Top