Connect with us

somalilandtoday.com

“6 Ka Tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada Ayaa Madaxweynuhu Amray In Shaqada Laga Joojiyo, Ragga Qaar Waxa Galaafatay  Sacab Ay Tumeen Maalintii Doorashada Shirguddoonka…” Xisbiga WADDANI

focus

(SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegay in lix ka tirsanaa shaqaalaha madaxtooyadda shaqadooda looga eryay sababo la xidhiidha guushii guddoomiyaha cusub ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Maxamed Sadiiq Dhamme Xoghayaha Arimaha Bulshada Xisbiga Waddani Ayaa Sidani Sheegay waxaanu yidhi sida tan:

“6 ka tirsan shaqaalaha Madaxtooyada ayaa Madaxweynuhu amray in shaqada laga joojiyo, ragga qaar waxa galaafatay  sacab ay tumeen maalintii doorashada shirguddoonka guushii Khaliif qasriga dhexdiisa. waxa kale jira tuhuno iyo xog muqarribiintu heleen oo  tibaaxaysa in warar bannaanka u baxeen, kala  shakiga guuldarada KULMIYE !”

More in focus

To Top