Connect with us

somalilandtoday.com

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Baadhistaan Ku Samaynayso Tuhunnada Ka Taagan Jaamacadda Barwaaqo Iyo Iskuulka Abaarso

focus

(SLT-Hargeysa)-Xukuumadda Somaliland, Ayaa Sheegtay In Ay Baadhistaan Ku Samaynayso Tuhunnada Ka Taagan Jaamacadda Barwaaqo Iyo Iskuulka Abaarso.

War-Saxaafaddeed Ka Soo Baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Ayaa Lagu Yidhi, Sidan

“Sida Aad La Wada Socotaan, Waxaa Maalmahan Soo Baxaya Tuhunno La Xidhiidha Jaamacadda Barwaaqo Iyo Iskuulka Abaarso , Iyada Oo La Sheegayo In Maamulaha Jaamacaddaasi Ay Tahay Baadariyad Faafinaysa Diinta Kiristanka.

Haddaba, Wasaaradda Diinta Iyo Awaaafta Oo Kaashanaysa Wasaaradda Waxbarashada Iyo Sayniska, Waxa Ay Baadhayaan Oo Ay Gacanta Ku Hayaan Tuhunnadaasi Soo Baxaya. Sidaa Daraadeed, Dadweynaha Waxaa Laga Codsanayaa In Ay Dhawraan Natiijada Baadhitaanka Ee Arrintani.”

Allaa Mahad Leh.

More in focus

To Top