Connect with us

somalilandtoday.com

Dowladda Soomaaliya Oo Beenisay In Ay Shirkaddaha Fly Dubai Iyo Air Arabia Ka Joojisay In Ay Duulimaadyo Ka Sameeyaan Somaliland

focus

(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda gadiidka iyo duulista hawada dowladda Soomaaliya, waxay ay beenisay in ay jiraan amar ka soo baxay Wasaaradda kaas oo Somaliland lagaga joojiyay shirkadaha diyaaradaha ee Fly Dubai iyo Air Arabia.

Wasaaradda waxay ugu digtay warbaahinta wararkaas ay been abuurka ku sheegtay faafinaya inay joojiyaan, si aan bulshada Soomaaliyeed loo maran habaabin.

Warar lagu faafiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay diyaaradaha Fly Dubai iyo Air Arabia ku xidhay ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ay ka helayaan Hay’adda duulista Soomaaliya, in aanay wax duulimaad ah ka sameyn karin Somaliland.

Go’aanka dowladda kasoo saartay shirkaddahan ayaa soo baxay 31dii july ee sannadkan, inkasta oo dowladdu beenisay warkaan.

Labadan shirkaddood ayaa duulimaadyo rasmi ah hore ugu iman jiray magaalada Hargeysa ee Somaliland, waxaana la filayaa inay dhawaan dib u bilaabaan ka dib markii ay xayiraad ay hore u saartay ay ka qaaday xukuumadda Somaliland.

More in focus

To Top