Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Sheegtay In Diyaaradaha Flydubia Iyo Air-Arabia Aanay Duulimaadyo Ka Bilaabi Karin Garoonka Diyaaradaha Ee Hargeysa

focus

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaaradaha Flydubia iyo Air-arabia aanay duulimaadyo ka bilaabi karin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa ilaa inta ay ogolaansho rasmi ah ka helayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.

Sida ay muujinayso warqad uu soo saarey Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya Axmed Macallin Xasan, labadan diyaaraddood ayaan loo ogoleyn in duulimaadkooda bilaabaan illaa ay helaan ogolaanshaha hay’adda.

Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu dhawaan sheegtay in shirkadaha Flydubia iyo Air-arabia ay dib u bilaabi doonaan duulimaadyadoodii garoonka Hargeysa, kadib muddo ay hakad ku jireen, balse ilaa hadda wax duulimaad ah may bilaabin.

Warqadda kasoo baxday Hay’adda Duulista Soomaaliya ayaa ku taariikheysan: July 31, 2021.

More in focus

To Top