Connect with us

somalilandtoday.com

Shiinaha Oo Lagu Eedeeyay In Xabsi Qarsoodi Ah Oo Lagu Xidho Muslimiinta Uu Ka Dhistay Dubai

focus

Shiinaha Oo Lagu Eedeeyay In Xabsi Qarsoodi Ah Oo Lagu Xidho Muslimiinta Uu Ka Dhistay Dubai

Shiinaha Oo Lagu Eedeeyay In Xabsi Qarsoodi Ah Oo Lagu Xidho Muslimiinta Uu Ka Dhistay Dubai

Gabadh dhallinyaro ah oo u dhalatay waddanka Shiinaha ayaa sheegtay in muddo sideed maalmood ah lagu hayey xabsi qarsoodi ah oo Shiinuhu maamulo oo ku yaal Dubai, iyada iyo ugu yaraan laba qof oo Muslimiinta Uyghurs.

Arrintan ayaa noqon karta caddeyntii ugu horreysay ee ah in Shiinuhu uu xabsiyo qarsoodi ah ee uu dadka ku ciqaabo uu ku leeyahay meel ka baxsan xuduudaheeda.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Wu Huan, oo 26 jir ah, ayaa aheyd baxsad, si ay uga fogaato in dib loogu celiyo Shiinaha, maadaama seygeeda ay dowladda Shiinuhu u aqoonsantahay mucaarad ka soo horjeeda xukunkeeda.

Wu, ayaa u sheegtay wakaaladda wararka ee Associated Press in laga afduubtay hoteel ku yaal Dubai, isla markaana saraakiisha Shiinaha ay ku xireen guri villa ah oo loo beddelay xabsi, halkaas oo ay ku aragtay ama ku maqashay laba maxbuus oo kale, oo labaduba Uyghurs ah.

Waxay sheegtay in loogu hanjabay, su’aalahana lagu weydiiyay luuqadda Shiinaha, isla markaana lagu khasbay inay saxiixdo caddeymo sharci ah oo lagu eedeynayo in seygeedu uu iyada dhibaato u geystay.

Haweeneydan ayaa la siidaayay sideeddii bishii June, waxayna hadda magangalyo ka codsatay dalka Holland.

Wakaaladda wararka ee AP ma awoodin inay si madaxbannaan u xaqiijiso ama u beeniso warbixinta Wu, mana aysan tilmaami karin goobta saxda ah ee uu ku yaal xabsiga qarsoodiga ah, hase yeeshee, weriyayaashu waxay arkeen, lana maqashiiyay caddaymo xaqiijinaya oo ay ku jiraan shaabadaha baasaboorkeeda, cod laga duubay sarkaal Shiinaha ah oo su’aalo weydiinaya iyo farriimo qoraal ah oo ay ka dirtay xabsiga dhexdiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha iyo booliska dubai ayaa shalay beeniyay warkan.

 Mashruuca Xuquuqda Aadanaha ee Uyghur ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in  dabagal ay ku sameeyeen 89 Uyghurs la xiray ama laga masaafuriyey sagaal dal 1997 ilaa 2007. Tiradaas ayaa si joogto ah u kordhaysay, iyadoo gaartay 1,327, kuwaas oo Shiinuhu ka soo xidhay 20 dal laga soo bilaabo 2014 illaa hadda.

More in focus

To Top