Connect with us

somalilandtoday.com

“La Isuguma Hanjebi Karo Ururradii Ayaa La Furi Doonaa, Waayo……” Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland

focus

“La Isuguma Hanjebi Karo Ururradii Ayaa La Furi Doonaa, Waayo……” Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland

“La Isuguma Hanjebi Karo Ururradii Ayaa La Furi Doonaa, Waayo……” Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Guddida Doorashooyinka Somaliland Cali-khadar Cismaan, ayaa soo jeediyey in meesha laga saaro qodobka shuruuda ka dhigaya in marka la furayo ururrada siyaasadda in shan Gobol uu ururku ka helo codad boqoley ahaan oo xisaabiyo, taas oo uu xusay in ay caqabad ku tahay muwaadiniinta damac leh ee ka soo jeeda Beelaha darafyada.

Cali Kubad oo arrintan kaga hadlay qoraal uu baahiyey, ayaa yidhi “Masiibooyinka Somaliland ku dul habsadey waxa ka mid ah Liisan xisbi oo dhacaya.
Haddii ururada la furo waxa dhici karta inay 1) inay saddexda xisbi ee imminka jiraa ay soo laabtaan 2) inay saddexduba ay meesha ka baxaan 3) in mid ama labo xisbi oo hadda jiraa ay meeshaba ka baxaan oo mid soo hadho. Waana wax ku xidhan doonista shacabka. Laakiin lama saadaalin karo cida soo baxaysa iyo cida xisbinimada waayeysaba, sidaas darteed la isuguma hanjebi karo ururadii ayaa la furi doonaa.

Ta kale, waxa xisbiyada saddexda looga dhigay laga sababood oo loo diidey sida xisbi Islaami ah iyo mid qabiileysan, si aan dadka loogu soo gabanin xisbiyo qabiil ku dhisan iyo kuwo xisbiyo diimeed isu soo ekaysiiya si xukunka ugu qabsadaan. Imminka xisbiyadii qabaa’il bay isu bedeleen ama reero is xulafeysanaya. Qabyaalada garanay, laakiin waxa iga dhaadhici kara weydey in xisbiyo diimeed la diido iyadoo ay dalalkan reer galbeedka ah ee aynu filimadooda jilaynaa ay leeyihiin xisbiyo diinta masiixiga ah fikiradooda xambaarsan sida Christian Democracy.

Waxaan jeclaan lahaa 5 xisbi oo aan shuruudaha hadda jira ku soo bixin. Waayo, haddii aan noqon lahaa muwaadin u dhashay gobolka Awdal oo la igu yidhaahdo, waa inaad shanta gobol ee kale aad ka heshaa boqolkiiba intaas si aad urur u furato, oo dadkiina ay qabyaalad dimuquraadeysan la humbaaleysanayaan, side baan markaas xisbi ula soo bixi karaa, saw nidaamkan imminka yaalaa maaha mid beesha dhexe uun u hilinaya. Waa in la helaa labo xisbi oo dadyowga darafyadu ay hogaaminyaan oo aan ku soo bixin shuruucdan qarqooshka ee aynu imminka ku dhaqano. Shaqadaasina waxay u taalaa golahan wakiilada ee la soo doortay. Dimuquraadiyadu maaha sida kitaabka Quraanka ee Ilaahay ee aan waxba laga bedeli kareynin , ee waa wax dad samaysta si ay ula tacaalaan qof keligii talis ah ama mid yidhaahda boqor baan idiin noqonayaa ee amarkayga sax iyo khaladba qaata. Dimuquraadiyadu kobcin joogto ah, bay mar walba u baahantahay. Saddexda xisbi ee beesha dhexe ay isku bilaadhisayna waxba kuma jabna haddii uu midkood noqdo xisbi Islaami ah. Waa Somaliland la iska wada dhex arko oo la wada leeyahay haday tahay kii gobolnimada aaminsanaa iyo kii qabyaalada aaminsanaa, kii diinta iyo shareecada aaminsanaa, iyo kii SNM-ta aaminsanaaba.”

More in focus

To Top