Connect with us

somalilandtoday.com

KULMIYE Oo Si Badheedh Ah U Muujiyey Ifafaalaha Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi Oo Muddo Xileedkeedu Gabaabsi Yahay

focus

KULMIYE Oo Si Badheedh Ah U Muujiyey Ifafaalaha Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi Oo Muddo Xileedkeedu Gabaabsi Yahay

KULMIYE Oo Si Badheedh Ah U Muujiyey Ifafaalaha Muddo Kordhin Loo Sameeyo Madaxweyne Biixi Oo Muddo Xileedkeedu Gabaabsi Yahay

(SLT-Hargeysa)-Wakhti shacabka Somaliland si weyn durba u hadal hayaan Mustaqbalka dhaw iyo doorashada Madaxtooyada ee innagu soo aaddan oo la filayo in ay sannadka soo socda dabayaaqadiisa dalka ka qabsoonto duruuf kasta oo ku soo aaddan ayaa waxa durba soo baxaya shaki weyn oo bulshadu ka qabto sida ay xukuumadda xisbiga KULMIYE ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi dalka uga qaban karto doorashado wakhtigeeda ku qabsoonta.

Waxa shakikan dabka ku sii shiday hadal shalay ka soo yeedhay Af-hayeenka Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Cabdinaasir Buuni, kaasi oo sheegay in Xisbiyada Somaliland aanay ka qayb gelin karin doorashada soo socota ee Madaxtooyada iyo Guurtida, madaama sida uu hadalka u dhigay ay dhacayso ruqsaddooda Xisbinimo.

Afhayeenka xisbul Xaakimka KULMIYE Mudane Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo ka hadlayey shirweynaha Dalladda ururrada rayidka ah ee Somaliland ee SONSOF ayaa yidhi “Waxaa dhacaya liisankii axsaabta siyaasadda Somaliland, markaa niman liisankoodu dhacay doorasho kama qaybgeli karaan, waxaanan rajeynayaa marka doorashada xisbiyadu dhacdo in ay ku xigto ta madaxtooyada iyo guurtidu’’ Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni.

Liisanka saddexda Xisbi ee Waddani, UCID iyo Kulmiye, ayaa ka dhacaysa bisha December ee sannadka soo socda ee 2022-ka, iyada oo ka hor wakhtiga liisankoodu dhacayo ay ka horreyso wakhtiga ay dhacayso doorashada Guurtidu, oo dhici doonta sannad ka dib doorashadii Wakiillada oo ku beegan May 2022-keeda, halka doorashada madaxtooyadu qorsheysan tahay Nov 2022-keeda.

Haddii la hir geliyo qorshaha furista ururrada siyaasadda, waxa uu dhigayaa Xeerka Nidaamka Ururrada, ayaa dhigaya in lix biloor ka hor doorashada madaxtooyada la furo ururrada siyaasadda, kuwaas oo ka qayb geli doona doorashada madaxtooyada.

Ma cadda in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ay ka go’an tahay dhaqan galinta xeerka Nidaamka Ururrada iyo axsaabta qaranka oo hadal hayntiisu badan tahay in Madaxweyne Muuse Biixi dib ugu soo celinayo Golaha wakiillada iyo in kale waxaase hadalka Afhayeenka KULMIYE in badan oo siyaasadda Somaliland u kuur gashaa u qaadatay hordhaca dadaallo hoose oo xukuumaddu ku waddo muddo kordhin lagu sameeyo muddo xileedka Madaxtooyada, loona farsameeyo hannaan lagu muujiyo caqabado doorashada lagu xeero.

Ma cadda in Madaxweyne Muuse Biixi ka badheedhi doono dhaqan galinta furista ururrada siyaasadda, muddo-kordhin loo sameeyo muddo xileedkiisa iyo in uu wakhtiga rasmiga ah ku qaban doono doorashada midna waxaase maalmaha soo socda kala caddaan doona qorshayaasha ay isla maaggan yihiin xukuumadda iyo xisbigeeda o dhinac ah iyo xisbiyada Mucaaridka ah oo dhinaca kale ah oo aqlabiyad ku ah Golaha Wakiillada ee cusub.

More in focus

To Top