Connect with us

somalilandtoday.com

Baashe Cawil Muxuu Ka Yidhi Hadal Hayntiisii Badnayd Muddo Xileedkii Uu Xilka Hayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo?

focus

Baashe Cawil Muxuu Ka Yidhi Hadal Hayntiisii Badnayd Muddo Xileedkii Uu Xilka Hayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo?

Baashe Cawil Muxuu Ka Yidhi Hadal Hayntiisii Badnayd Muddo Xileedkii Uu Xilka Hayay Madaxweyne Axmed Siilaanyo?

(SLT-Hargeysa)-Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar oo ah nin uu soddog u yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay in hankiisa iyo geeddigiisa siyaasadeed aanay wiiqin sida uu hadalka u dhigay dacaayado iyo hadal hayn badan oo uu la kowsaday wakhtigii uu saaxadda siyaasadda ku soo biiray.

Baashe Cawil Xaaji Cumar oo qoraal uu ku baahiyey degelka uu ku leeyahay Facebook ciwaan uga dhigay “Gu’gii Toddobaad iyo Geeddigayga Siyaasadeed” ayaa sheegay in bar bilawgiisii xilalka xukuumadda waxa uu ku tilmaamay kuwo la kawsaday buuq iyo dhawaaqyo badan balse uu u dhabar adaygay sida uu sheegay.

Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan:

GUGII TODOBAAD IYO GEEDDIGAYGA SIYAASADEED

Xurmada iyo xasaanada xilku qofka siyaasiga ah kama dhigto guuleyste, ee wuxuu ku hano qaadaa oo ku noqdaa gurgurshaa bisho ma daadshe ah siduu u middeeyo hiigsigiisa iyo hawlgalkiisa maalin nololeed. Bar bilawgii boggayga siyaasadeed wuxuu ahaa mid buuq dhawaaqyo badan leh iyo ka badbadin la kawsaday, taas oo ay adkayd xilligaas in la ogaado xaqiiqadu waxay tahay ee keentay nin siyaasada ku cusub inuu la kulmo xaaladahaas aynu soo xusnay. Maanta oo ku taariikhaysan 15kii August, 2021 waxay ii tahay maalin bilaw u ah sannadkii todobaad ee si xidhiidh ah aan ugu addeego Qarankayga Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo suurto gelisay in bulshadaydu haysato min-qiyaas lagu cabiri karo tagtadaydii wixii taariikhdu iga qortay.

Dacaayadaha suuqa la geliyo, dagaalka af-ka weerarka ah ee fadhi ku dirirku caanka ku yihiin ma wiiqaan ama igama dib dhigaan oo ma curyaamiyaan masuuliyaddaha isaaran, taas oo ii sahashay wixii samaa ee dhito iyo dhaxal gal noqday qarankaygu inuu midhihiisii guranayo.

More in focus

To Top