Connect with us

somalilandtoday.com

Guddiga Qandaraasyadda Qaranka Somaliland Oo Shaaciyay Shirkadda Ku Guulaystay Dhismaha Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladdaha Hoose Ee Dalka.

focus

(SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland ayaa shaaciyay shirkadda ku guulaystay dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladdaha hoose ee dalka.

Kulan maanta ay isku yimaadeen xubnaha Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland iyo shirkadihii u soo tartamay mashruucan ayaa la shaaciyay shirkadda ku guulaysatay.

Ugu horrayntii guddoomiyaha Guddiga qandaraasyadda qaranka Somaliland Nuux Maxamed Xuseen ayaa madasha ka hadlay waxaanu yidhi “saaka oo sabti ah waxa aynu u ballansanay in aanu halkan idinka sheegno ciddii ku guulaystay qandaraaska maxadka tababarka shaqaalaha dawladdaha hoose, waxa ku soo tartamay 29 shirkadooda waxa habsaamay 3 shirkadood, waxa ku guulaystay qandaraaskaa Xaaji Muuse Construction Company, Xaaji Muuse waxa ay guddigu kula tartamaysaa inay qaranka u dhisaan dhisme tayo leh oo qurux badan sida ku cad nashqada ay wasaarrada hawlaha guud soo saartay, shirkadaha hadhay waxa aanu u rajaynaynaa nasiib wanaagsan, haddii ay jirto cid cabasho ka qabta go’aanka guddiga qandaraasyadda guddigu way dhagaysan doontaa cabashadooda.

Dhankooda waxa iyaguna ka hadlay shirkadii ku guulaystay mashruucan, iyo shirkadihii lagaga guulaystay oo dhammaantood niyad sami ku soo dhaweeyay.

Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top