Connect with us

somalilandtoday.com

Guddiga Qandaraasyadda Oo Shaaciyay Tartan Loo Geli Doona Dhismaha Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Dalka

focus

Guddiga Qandaraasyadda Oo Shaaciyay Tartan Loo Geli Doona Dhismaha Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Dalka

Guddiga Qandaraasyadda Oo Shaaciyay Tartan Loo Geli Doona Dhismaha Maxadka Tababarka Shaqaalaha Dawladda Hoose Ee Dalka

(SLT-Hargeysa)-Guddiga qandaraasyadda qaranka JSL ayaa maanta shaaciyay tartan loo geli doona qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose.

Madashii lagu shaacinayay tartanka dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose waxa ka soo qayb-galay guddoomiyaha guddiga qandaasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen, masuuliyiin ka socday maxadkaasi iyo 29 shirkadood oo soo xaraystay inay tartanka ka qayb-galaan.

Ugu horrayntiina guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shaaciyay magacyadda shirkadaha kala duwan ee soo xaraystay qandaraaskan waxaanu yidhi “saaka oo ay bishu tahay 12-ka bishii sideedaad sannadka 2021-ka waxa aynu furanaynaa qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxa ku tartamaya 29 shirkadood, waxa aanu u ballanqaadaynaa shirkadahaasi in aanu si daah-furan oo cadaaladi ku jirto in aanu u xulan doono shirkadda ku guulaysta haddii alle yidhaa” ayuu yidhi Nuux Maxamed Xuseen.

Dhankooda waxa iyaguna madasha ka hadlay qaar ka mid ah shirkadihii soo xaraystay qandaraaska dhismaha maxadka tababarka shaqaalaha dawladda hoose ee dalka waxaana ka mid ahaa hadalladoodii “anigu waxa aan ku tartamayaa shirkadda Xaaji Muuse construction company waxa aan Alle ka rajaynayaa in aanu guulaysano waananu ku qanacsanahay wax kasta soo baxa” sidaa waxa yidhi masuul ku hadlaya magaca shirkadda Xaaji Muuse construction company oo ka mid ahayd shirkadihii maanta ka soo qayb-galay tartanka.

Halkan hoose ka DAAWO warkan

More in focus

To Top