Connect with us

somalilandtoday.com

Prof Gutherz Oo Laas Geel Dunnida Gaadhsiiyey Ayaa Bulshada Iyo Xukuumadda Ugu Baaqay Xushmeynta Halyeygii Helay Taariikhdeeda.

focus

Prof Gutherz Oo Laas Geel Dunnida Gaadhsiiyey Ayaa Bulshada Iyo Xukuumadda Ugu Baaqay Xushmeynta Halyeygii Helay Taariikhdeeda.

Prof Gutherz Oo Laas Geel Dunnida Gaadhsiiyey Ayaa Bulshada Iyo Xukuumadda Ugu Baaqay Xushmeynta Halyeygii Helay Taariikhdeeda.

Madrid- Prof Xavier Gutherz ayaa ugu baaqay bulshada Somaliland inay qiimeeyaan kuna xushmeeyaan halyey Maxamed Cabdi Cali sahamintiisa iyo helitaanka Aasaarta Laas Geel, oo Geeska Afrika ugu mudan, caalamka qiimaha ku leh, oo weli u taagan ilaalinta dhaxalka iyo dhaqanka taariikhda Somaliland.

Prof Gutherz, oo hogaaminayey khubaradii caalamka gaadhsiisay jiritaanka iyo taariikhda muuqaalada ku xardhan Laas Geel oo faahfaahin ka bixinaya siduu ku yimi Somaliland ayaa ku bilaabay warbixintan uu wargeyska LaVanguardia oo dalka Spain ka soo baxa sabtidii ku bilaabay.

“Waxu difaac weyn u yahay ilaalinta dhaxalka dhaqanka & taariikhda dalkiisa, oo mudan yahay in lagu qiimeeyo sahaminti 2000 ee Laas Geel & dheeraad aasaarta Somaliland.”

Warbixin dheer oo Gutherz kaga hadlay siduu ku bilaabay Maxamed Cabdi Cali, khabiir is-baray aqoon, jaamacad la’aan- helitaanka aasaarta qadiimiga ee muhiimsan Geeska Afrika ee Somaliland ku taal, iyo siduu ku helay Maxamed Cabid ayaa yidhi,

“Wuxuu safar u xidhxidhay isagoo kalsooni qaba. 21 sannadood horteed, Maxamed Cabdi Cali waxuu ku qaatay shandad dhabarka oo weysadiisa biyeystay. Waxuu bilaabay inuu dhexlugeeyo dhulka miyi iyo magaalo ee dalkiisa, Somaliland. Wuu helay hadafkiisii habeen madow, isagoo dab kulaalaya, waxaanu sannadkii 2000 Maxamed, helay Laas Geel, oo ah godad ay ku xardhan yihiin muuqaalo la sameeyey 500 sannadood horteed, ee ugu muhiimsan Geeska Afika.” Waxaanu sii raaciyey:

23 goobood oo dhagxaan qadiimi ah oo ku taal buur dhererkeedu yahay 950 mitir, oo ku taal lama-deegaanka u dhexeeya Berbera & Hargeysa, waxa ku yaala 350 xabaalo muhiim ah oo ay ku aasan yihiin meydad, alaabooyinkii hore isticmaali jireen oo laga joogo muddo 5 kun oo sannadood ah.

Dadku waxay ka aaminsan yihiin mucjisooyin. Dadka reer miyiga ee deegaanka ku nool waxay u yaqaaniin in muuqaalada uu JIN sameeyey, taasoo cabdisa awoowayaashooda keentay ilaa wakhtigan in aagaga muuqaalada dadku ka fogaadaan oo go’doon yihiin.

Markii da’diisu ahayd 60 jir, Maxamed wuxuu xusuustaa sida uu ugu faraxsanaa helitaankiisa. “Ma aaminsani, waxaan dareemay dareen weyn. Isla markiiba waxaan gartay qiimaheeda iyo in tani ay tahay dhaxalkayga. Ilmadii indhaha ayaan iska masaxay, oo muuqaalada ku xardhay buugayga xusuus-qorka. Waan la yaabanaa-laakiin waxaan dareensanaa inaan arrinkan si taxaddar leh u maareeyo, xogteedana dhowro, cidna umaan sheegin, waxaan qarinayey muddo laba sannadood ah,

Maxamed waxuu bilaabay inuu qoraalo iyo fariimo la xidhiidha aasaarta qadiimiga la wadaago khubaro Talyaani iyo Faransiis ah oo ka shaqeeya dalalka jaarka sida Itoobiya iyo Jabuuti, si ay aqoontan baadhitaankeeda qeyb uga noqdaan. Hawl sahlan ma ahayn.

Laba sannadood ka dib, 2002, ayey kooxdii ugu horeysay oo dalka Faransiiska u dhalay soo gaadheen dalka, iyagoo shaki kaga jiray xogta Maxamed u gubiyey, balse waxay qaadeen talaabadii Laas Geel caalamku ku ogaaday.

Xavier Gutherz, oo ahaa hoggaamiyahii kooxda, wakhtigana hawlgab, oo dib u milicsanayey doorkii muhiimka ahaa Maxamed ‘Furahii Aasaarta) ayaa yidhi “Ahmiyaddiisu aad bay u weynayd, laakiin kuma ekayn Laas Geel oo keliya: balse dhammaan goobaha ugu waaweynaa ee aasaarta qadiimiga Somaliland, ugu muhiimsanaa, ayuu ogaaday. Wuxuu had iyo jeer u hawlgalaa si fudud, uguna socdaalaa daafaha geyigiisa, isagoon aqoon wakxbarasho u lahayn cilmiga Aasaarta, balse muu noqon khabiir ku xeel-dheer cilmiga aasaarta, bals ewaxuu bartay dhaqanka iyo caadooyinka deegaamada uu maro. “Waxu difaac weyn u yahay ilaalinta dhaxalka dhaqanka & taariikhda dalkiisa, isla markaana mudan yahay in lagu qiimeeyo helitaanka Laas Geel 2000 & dheeraad aasaarta Somaliland..” ayuu yidhi Xavier Gutherz.

Maxamed oo ah aabe dhalay sagaal carruur ah ayaa hawo sahamin ay haysaa, isagoo koodhkiisa duuga ah xidhan iyo koofiyadiisa cadceeda aanu ka maarmin. Waxuu degdeg miiska u soo saaray khariidado goobaha aasaarta dalkiisa oo u gacantiisa ku sameeyey, waxaanu xariiq qiyaasteeda uu yaqaano isaga talaabinayaa boqolaal goobaha qadiimiga ku yaal dalkiisa ee uu helay.

Waxuu si kalsooni leh u soo saaray qoraalo uu ka helay khubaro caalami ah, sida mid ka timi koox dalka Spain oo u hogaaminayey Dr. Alfredo González Ruibal, oo bogaadin ah, una dhignayd: “Doorka Mr. Maxamed oo ah khabiir & Sahamiye ku takhasusay goobaha aasaarta ayaa lagama maarmaan u ah gaadhitaanka ujeeddooyinka mashruuca maadaama uu leeyahay aqoon gaar ah, xog buuxdana ku hayo goobaha taariikhda qadiimiga ah ee Somaliland ”.

Wiil uu dhalay nin milateri ah iyo hooyo kalkaaliye caafimaad oo u weyn toban walaalo ah, Maxamed wuxuu aad u jeclaa cilmiga barashada aasaarta qadiimiga, xilligii yaraantiisi, waxuu abaal u haya adeerkii, oo u ogolaaday inuu la qodo qabuuraha qadiimiga qaarkood. Ilaa wakhtigaa, waxuu wakhtigiisa u huray sahaminta dalkiisa. “Sahaminta Aasaartu dhiigga ayey igaga jirta, waana himilo iyo hafad micno u sameeya noloshayda”, ayuu qirtay Maxamed

In kastoo Somaliland aanay si weyn aqoonsan muhiimadiisa & dal la tacaalaya caqabado siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale! Maxamed, oo hagaajisanaya xadhkaha kabahiisa buudhka, iyo koofiyadiisa xadhigeedu garbaha ka laalaado boodhka ka tumaya, ayaa aamusnaan muddo ka dib waxuu yidhi ‘waxaan dareemayey mudnaan gaar xilligii daahfurka”, laakiin, wax walba waxa ka muhiimsan ogaanshaha talaabooyinka lagu ilaalinayo. “Waxaan ogaaday waxyaabo qarsoonaa, oon cidna baran aqoontooda, balse werwerka iigu weyn waa hanaankii ilaalintooda. Wali waynu haysanaa wakhti aynu lumitaan ka ilaalino”.

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top