Connect with us

somalilandtoday.com

Al-shabaab Oo Dil Toogasho Ah Ku Fuliyay Oday 87 Jir Ah Oo Lagu Eedeeyay In Uu Aflagaadeeyay Nabi Muxamed (NNKH)

focus

(SLT-Mudug)-Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah ku toogatay nin lagu eedeeyay in uu aflagaadeeyay Nabi Muxamed [NNKH].

Sida lagu daabacay warbaahinta Al Shabaab, Xasan Tooxow Fiidow oo lagu magacaabay Luglug ayaa waxaa lagu toogtay deegaanka Al-Ansaar ee gobolka Mudug.

Xasan Luglug aha 87 jir, sida ay sheegeen xubno ka tirsan qoyskiisa, waxaa soo eedeeyay laba qof oo dadka degaanka ka mid ah kuwaas oo geeyay marqaatiyeyaal.

Falkan toogashada ah ee laga fuliyay gobolka Mudug ayaa imanaya xilli ay ciidamada dowlada iyo kuwa Galmudug ay howlgalo ay ugaga saarayaan dagaalamayaasha Alshabaab ay ka wadaan Koofurta gobolka Mudug.

More in focus

To Top