Connect with us

somalilandtoday.com

Khadka Tareenka Isku Xidha Itoobiya Iyo JABUUTI Oo La Xidhay

focus

Khadka Tareenka Isku Xidha Itoobiya Iyo JABUUTI Oo La Xidhay

Khadka Tareenka Isku Xidha Itoobiya Iyo JABUUTI Oo La Xidhay

(SLT-Addis ababa)-Madaxweynaha Gobolka Soomaalida Itoobiya Mustafa Muhumed Omer ayaa maanta sheegay in la xanibay waddo muhiim ah iyo khad tareen ganacsi oo halbowle ah, oo isku xidha magaalada Addis Ababa iyo dekedda magaalada Jabuuti, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Reuters.

Waddadan ayaa ah midda la mariyo inta badan badeecadaha la gaadhsiiyo 110-ka milyan ee qof ee ku nool dalka Itoobiya.

Xafiiska ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta Jabuuti ayaan sidoo kale wax jawaab deg eg ah laga helin.

Madaxweyne Mustafa Muhumed Omer ayaa sheegay in waddada iyo khadka tareenka ay xanibeen koox dhallinyaro ah oo ka dibad-baxaya weerar dhacay Sabtidii.

Dowladdiisa ayaa sheegtay Salaasadii in maleeshiyo ka tirsan gobolka deriska la ah ee Cafarta ay weerareen magaalo ay degan yihiin Soomaali, oo ay bililiqeysteen, xilli uu dib usoo cusboonaday muran xuduudeed ka dhaxeeya labada dhinac.

“Waxaan ka shaqeyneynaa inaan furno qadka tareen iyo waddada maanta,” ayuu madaxweyne Mustafa u sheegay Reuters oo uu farriin qoraal u diray. “Waxaan wada-xaajood kula jirnaa dhallinyarada iyo dadka,” ayuu ku daray.

Reuters

More in focus

To Top