Connect with us

somalilandtoday.com

Warbaahinta Qaranka Oo Durba Ka Baxday Qorshihii Dhexdhexaadnimada ee Madaxweyne Biixi dabada ka riixayay

focus

Warbaahinta Qaranka Oo Durba Ka Baxday Qorshihii Dhexdhexaadnimada ee Madaxweyne Biixi dabada ka riixayay

Warbaahinta Qaranka Oo Durba Ka Baxday Qorshihii Dhexdhexaadnimada ee Madaxweyne Biixi dabada ka riixayay

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta JSL waxay bishii September 2020 soo saareen amar ku aaddan in Warbaahinta Dawladdu si siman ugu adeeggaan Muwaadiniinta Somaliland, si dheelitirana uga warramaan dhacdooyinka dalka iyo gaar ahaan barmaamijyada ku aaddan xisbiyada Mucaarad iyo Muxaafad ba.Waxa go’aankaasi lagu tilmaamay rabitaan ka yimid madaxweynaha oo tayaynaya warbaahinta Dawladda.

Arrintaasi waxay wax ka fuleen intii lagu jiray ololihii Doorashada Wakiillada iyo deegaannada ee May 31 2021 dhacday oo la arkayay in ay maalmihii ololaha wararka mucaaradka tebinayeen qaybaha kala duwan ee warbaahinta Qaranka, hase yeeshee arrintan looga dan lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa warbaahinta Qaranku waxay durba wiiqantay oo fashilantay wakhtigan lagu jiro loolanka shirguddoonka Golaha Wakiillada oo ay si cad ula safatay Musharraxa Xisbiga Kulmiye wato ee Xil Yaasiin Faratoon oo barmaamijyo lagu buun buuninayo laga sii daynayo Warbaahinta Qaranka.

Waxa la yaab mudan in madaxda wareegtadii Sep 2021 soo baxday sida tooska ah u khusaysay fulinteedu hadda yihiin kuwa buun buuninaya Musharrax Faratoon iyaga oo majaro habaabinaya nidaamka doorashada ee Golaha ka dhacaysa doonayana in ay aragtida dadweynaha ku jiitaan in Faratoon yahay kan haboon. Arrinta warbaahintu ku kala jeclaysatay cidda noqon doonta hoggaanka Golaha Wakiillada ee aan wali la dooran waa mid dhabar jebisay go’aankii heer wasiir ee wakhtiga kooban ka soo wareegay muujinaysana siyaasadda gabi-dhaclaynaysa ee aan jahada lahayn oo lagu maamulayo warbaahinta Qaranka.

Warbaahinta Qaranka oo kala ah Reedhyow Hargeysa, Telefishanka Qaranka, Wargeyska Dawan iyo Wakaaladda Wararka waxa Qaranka kaga baxda lacag adag kamana muuqdaan Barmaamijyo saamayn leh oo Qaranka u dan ah marka laga reebo buun buuninta shakhsiyaad xukumadda ah. Sidaa awgeed waxa fiican in laga bedelo magaca Qaranka oo loo bixiyo warbaahinta xukumadda Kulmiye lana dhimo cashuurta bulshada ee lagu bixiyo.

Inkasta oo madaxweyne Biixi si buuxda u taageersan yahay Musharraxnimada Xil Faratoon haddana ma cadda in uu ka war qabo tallaabada warbaahinta Qaranku kaga leexatay jidkii uu bilo ka hor ku boorrinayay in ay raacaan ee dhexdhexaadnimada.

Sida oo kale waxa suuro gal ah in haddii mucaaradku ku guulaysto shirguddoonka Golaha Wakiillada ay noqon doonto mid hoosta uga xariiqan tallaabada laga qaadayo warbaahinta Qaranka oo miisaaniyad badan ku baxdo haddana la saluugsan yahay waxqabadkeeda iyo dhexdhexaadnimadeeda.

More in focus

To Top