Connect with us

somalilandtoday.com

Nuxurka Kulan Al-baabadu Xidhnayeen Oo Ay Hoggaanka Xisbiyada UCID iyo WADDANI La Yeesheen Aqlabiyadda Xildhibaannada Golaha Wakiillada

focus

(SLT-Hargeysa)-Kulan Albaabadu xidhnayeen ayaa la sheegay inuu huteel maamuus ee Magaalada Hargeysa ay ku yeesheen Xildhibaannada aqlabiyadda Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Xisbiyadda UCID

Kullankan oo ay saxaafadu debad joog ka ahayd ayaa ahaa mid daba socday kullamo hore oo goo-goos ahaa oo dhex-maray Xildhibaannada iyo hoggaanka labada Xisbi,waxaana la sheegay inay kullankan ay ka soo qayb-galeen Xildhibaannada aqlabiyadda Mucaaradka iyo hoggaanka sarre ee laba xisbi mucaarad ee UCID iyo WADDANI.

Dhanka kalene xoggo hoose oo aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay inuu ahaa mid is xog warraysi ah iyo u diyaargrowga doorshada shir guddoonka Golaha Wakiillada,isla markaana ay Xildhibaannada iyo hoggaanka Xisbiyaddu ay halkaas isku dhaafsadeen afkaaro la xidhiidha doorashada shir guddoonka iyo arrimo kale oo mihiim

Geesta kalene kullankan ayaa ku soo beegmay xili ay maal-mo koobani ka hadheen wakhtigii uu Madaxweyne Biixi dastuurku siiyey inuu iskugu yeedho Xildhibaannada Golaha Wakiillada si loo dhaariyo ,kadib-na ay u doortaan shir guddoonkii hoggaamin lahaa Golaha.

More in focus

To Top