Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Faransiiska Oo Telefoonkiisa Beddalay Kadib Weerarkii Shirkadaha Israa’iil

focus

Madaxweynaha Faransiiska Oo Telefoonkiisa Beddalay Kadib Weerarkii Shirkadaha Israa’iil

Madaxweynaha Faransiiska Oo Telefoonkiisa Beddalay Kadib Weerarkii Shirkadaha Israa’iil

(SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa gebi ahaan bedalay telefoonkii uu isticmaali jiray kadib markii la xaqiijiyey in uu telefonkiisa kamid ahaa in ka badan 50-kun oo telefono caalamka ah oo lagu jabsaday barnaamijka wax lagu basaaso ee [Pegasus spyware] oo ay soo saartay Israa’iil.

Madaxtooyada France ee Élysée Palace ayaa arrintan xaqiijisay iyagoo sheegay in sare loo qaaday illaalinta isgaadhsiinta xasaasiga ah ee Madaxweynaha iyo xafiiskiisa.

Macron ayaa kulan albaabada u xidhan yihiin la yeeshay hay’adaha amaanka, shirkaasi oo lagaga hadlay tilaabadii ay Faransiiska qaadi lahaayeen si loo hortago weerarada noocaan ah.

Barnaamijka telefonada lagu jabsado ama lagu basaaso ee (Pegasus) ayaa loo adeegsaday in lagula socdo dhaq-dhaqaaqa iyo xogta in ka badan 50.000 telefoono ay leeyihiin suxufiyiin iyo siyaasiyiin ku kala sugan dalal kala duwan.

Software-ka Pegasus  ayaa waxaa sameeyey shirkada laga leeyahay Israel ee lagu magacaabo (NSO group) taasoo farsamadan caalamka u iib-geysa

More in focus

To Top