Connect with us

somalilandtoday.com

“Arrinta Somaliland Meel Fiican Ayay Marayaan, Wadatashiyo Ayaa Socda” Raysal Wasaaraha Sooomaaliya

focus

“Arrinta Somaliland Meel Fiican Ayay Marayaan, Wadatashiyo Ayaa Socda” Raysal Wasaaraha Sooomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Sooomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay soo afjareyso khilaafka u dhaxeeya Siyaasiyiinta sheegta inay matalaan Somaliland ee ku aadan arrimaha kuraasta Baarlamaanka labada Aqal.

Raysal Wasaare Rooble ayaa sheegay in meel fiican ay u marayaan xalinta arrimahaas, wada tashiyo uu la leeyahay labada dhinac.

“Arrimaha Somaliland meel fiican ayay ii marayaan wadatashiyo ayaa wadaa waa ku guda jiraa, madasha wadatashiga qaran ee dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe aniga ayay mas’uuliyadda i saareen”ayuu yidhi.

Sidoo kale Raysal Wasaaraha ayaa sheegay inuu wada hadal u socdo Raysal Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah labada dhinac ee kala hoggaaminaya.

More in focus

To Top