Connect with us

somalilandtoday.com

Maalqabeen U Ololeyn Jiray Imaaraadka Carabta Oo Maxkamada Lasoo Taagayo

focus

Maalqabeen U Ololeyn Jiray Imaaraadka Carabta Oo Maxkamada Lasoo Taagayo

Maalqabeen U Ololeyn Jiray Imaaraadka Carabta Oo Maxkamada Lasoo Taagayo

(SLT-Washington)-Xeer illaalinta Maraykanka ayaa dacwad kusoo oogtay Maalqabeenka u dhashay dalkaasi oo lagu magacaabo Tom Barrack kana mid ahaa saaxiibada Madaxweynihii hore Trump, ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu si qarsoodi ah ugu ololeyn jiray dowlada Imaaraadka Carabta.

Tom Barrack oo ah 74 jir ah bilyaneer kana mid ahaa xubnihii sida weyn ugu dhawaa Donald Trump ololihiisii doorashada, ayaa la sheegay inuu xidhiidh toos ah lalaha Dowlada Imaaraadka oo danahooda uga ololeyn jiray Washington.

Sida uu qabo sharciga Maraykanka dadka u ololeeya danaha dowladaha Shisheeye ayaa laga doonayaa inay iska diiwaangeliyaan Wasaarada Caadalada ee wadankaas, arrintaasi oo aanu sameyn Mr.Barrack.

Hore ayey xeer illaalinta Maraykanka xabsiga u dhigtay Lataliyihii hore ee Amniga ee Donald Trump kaasi oo lagu eedeeyey inuu isagana lacag ka qaadan jiray dowlada Turkiga si uu ugu ololeeyo dowladaasi.

More in focus

To Top