Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Socda Gobolka Tigray Ee Itoobiya

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Socda Gobolka Tigray Ee Itoobiya

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Dagaal Ka Socda Gobolka Tigray Ee Itoobiya

(SLT-Addis Ababa)-Waxaa jira astaamo muujinaya in dagaalka ka socda gobolka Tigray ee Itoobiya uu sii fidayo, iyadoo iska horimaadyo laga soo sheegayo gobolka Canfarta ee dariska la ah.

Dowlada ayaa ku eedeysay fallaagada inay weeraraan dadka rayidka ah ayna xannibayaan gargaarka inkastoo ay gaashaanka u daruureen eedeyntaasi waxayna sheegayaan in ay bartilmaameedsanayaan maleeshiyaadka xulafada la ah Dowladda Itoobiya.

Suuragal ma ahayn in si madax bannaan loo xaqiijiyo faahfaahinta isku dhaca ama tirada dhimashada. Wadooyin badan oo gala gobolka Tigreega ayaa haatan gebi ahaanba la xidhay.

Weriyaasha ayaa sheegaya in gobolka Canfarta uu noqday mid muhiim u ah isku xirka gargaarka ee gobolka, halkaasoo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan gaajo aad u daran.

More in focus

To Top