Connect with us

somalilandtoday.com

Wadahadalladii Taliban Iyo Dowladda Afghanistan Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

focus

Wadahadalladii Taliban Iyo Dowladda Afghanistan Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

Wadahadalladii Taliban Iyo Dowladda Afghanistan Oo Natiijo La’aan Ku Dhammaaday

(SLT-Doxa)-Kulamadii magaalada Doxa, Qatar uga socday kooxda Talibanka iyo Dowlada Afghanistan ayaa wax guulo ah laga gaadhi waayey kadib markii ay labada dhinac isku mari waayeen qodobo muhiim ah.

Warmurtiyeed ay si wada jir ah usoo saareen labada dhinac ayaa lagu sheegay in qodobka kaliya oo ay isku afgarteen ay tahay in wadahadalka lasii wado!

Talibanka ayaa ku eedeeyey dhinaca wafdiga ka socda dowlada Afghanistan inay diideen in laga wadahadlo qodobo iyaga muhiim u ahaa oo ay kamid ahayd Dastuurka dalka Afghanistan qaadanayo iyo waliba siideynta Maxabiista laga heysto kooxda Talibanka.

Dowlada Afghanistan ayaa dhankeeda dooneysay in lagu dhawaaqo xabad joojin deg deg ah arrintaasi oo ay ka cago jiidayaan kooxda Talibanka oo iyagu dhawaan awood ciidan kula wareegay in badan oo kamid ah goballada dalkaasi.

More in focus

To Top