Connect with us

somalilandtoday.com

“Marka Aad Kuwii Reerkiina U Yeedho Kuwa Reer Habel Oo Xaggan Joogay Wey Tagayaan…” Siyaasi Cali Guray

focus

“Marka Aad Kuwii Reerkiina U Yeedho Kuwa Reer Habel Oo Xaggan Joogay Wey Tagayaan…” Siyaasi Cali Guray

“Marka Aad Kuwii Reerkiina U Yeedho Kuwa Reer Habel Oo Xaggan Joogay Wey Tagayaan…” Siyaasi Cali Guray

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Guray ayaa ka hadlay afar Xildhibaan oo ka soo baxay UCID  oo ka soo jeeda Beesha Madaxweyne Biixi, isla markaana uu markii hore diiday KULMIYE inay iska sharraxaan,kuwaas oo  uu fursado siiyey Xisbiga UCID, balse nasiib darro markii ay soo baxeen carrooga qaybaalada looga afuufay Madaxtooyadda,iyagoo halkaas iska xaadiriyey.

Siyaasi Cali Guray oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay ” Niman la yidhi Berbera ayey ka soo baxeen oo Xisbiga UCID ayey ka soo baxeen oo waa saddex iyo nin Hargeysa ka soo baxay saw afar maaha ,afartaasiba UCID ayey ka soo baxeen, waxa la igu leeyahay farta ayaa loogu yeedhay oo waxa la yidhi saw niman reer Habela ma tihidin  waar xaggan soo mara.”

Dhanka kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in markii hore uu KULMIYE diiday inay iska sharraxaan”Nimankaas markii hore inay iska soo sharraxaan waa loo diiday UCID ayaa bannaanka ka qaatay oo soo saaray .”

Sidoo kalena Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in arrintan ay keeni karto in Xildhibaannada Beelaha kale ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE inay qadaan jidkaas qaybyaaladeed ee uu jeexay Madaxweyne Biixi,”Waxa aan ka baqayaa inay keento taasi illayn ragga lama xiniinyo taab-tee marka aad in taada reer Hebel halkan soo mariso in kuwa reer hebel oo xaggan joogaa ay yidhaah-daan annana xaggan ayaanu marnay.”

More in focus

To Top