(SLT-Hargeysa)-Wasiiirada Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa lagu eedeeyey inay ka mashquuleen shaqadii Qaranka, isla markaana ay u xuub siibteen olollaha shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo raadinta & raacdada Xildhibaano kooramka Golaha Wakiillada u buuxiya Xisbiga KULMIYE.
Wasiiradda ugu tunka weyn leh Xukuumadda Biixi ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey aan sal dhigan xafiisyaddood,kuwaas oo la sheegay in aanay qaarkood-ba ka soo xaadirin xafiisyadood, kuwaas oo ah qaar ku mashquulsan doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland .
Xildhibaan Cumar Jaamac Faarax oo arrintaas ka hadlaya ayaa sheegay sidan:-” Maamulkii Dawladda ayaa laga fadhiistay shaqadoodii oo wasiiraddii waxay ku mashquulsan yihiin doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada” Xildhibaan Cumar
Dhanka kalena Wasiiraddan shaqadii Qaranka ay u hayeen ee rasmiga ahayd ka door-biday olollaha shir guddoonka ayaa iskugu jira laba qaybood oo kale ah wasiiro doonnaya inay iska dhaadhiciyaan Madaxweyne Biixi iyo qaar ka baqanaya in xilka laga qaadayo oo is-daad raacinaya hawlaha socda.
Geesta kalene dhawr iyo toban Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaa ay shalay xafiisyadoodii haawanayeen,isla markaana ay xidhnayeen,kuwaas oo ku mashquulsanaa doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland,taas oo ka baxsan shaqadii Bulshada ay u hayeen, isla markaana aan meel-na ka soo gelin,waxaanay ka ahayeen wasiiradda shalay jibaysnaa ee xafiisyadoodu xidhnayeen kuwan:-
Wasiir Maxamed Kaahin Axmed
Wasiir Siciid Sulub Maxamed
Wasiir Axmed Muumin SeedWasiir Maxamed Muuse Diiriye
Wasiir Shugri Xaaji Baander
Wasiir Xasan GaafaadhiWasiir Jaamac Maxamuud Cigaal
Wasiir Axmed Toorno
Wasiirka wasaaradda dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi
Wasiir Cabdiweli Sheekh Cabdilaahi Suufi,
Wasiir Maxamed Axmed CawadWasiir Maxamuud Sacad Saajin
Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Xinif
Mareeyaha Mad-bacadda Qaranka Maxamuud Raage .
Si kastaba ha-ahaatee Wasiiradda Xukuumadda Madaxweyne Biixi ayaan qaarkood muddooyinkii ugu dambeeyey aanay furrin xafiisyadooda,isla markaana aanay ka ag-wareegin Wasaaraddaha ay maamulaan,kuwaas oo u xuub-siibtay raadinta Xildhibaano kooramka u buuxiya Xisbiga KULMIYE.