Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Shacab Ah Lagu Af-Duubtay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sool

focus

Dad Shacab Ah Lagu Af-Duubtay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sool

Dad Shacab Ah Lagu Af-Duubtay Deegaan Ka Tirsan Gobolka Sool

(SLT-Laascaanood)-Wararka aan ka heleyno deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay lagu qafaashay dad shacab ah, kuwaasi oo ku safraayay gaadhi.

Koox hubeysan oo aan heytooda la aqoon ayaa dadkaas afduubtay, xilli ay kala dageen gaadhi nooca dadweynaha oo ay saarnaayeen, iyagoona kusii jeeday degaano ka tirsan Gobolka Sool.

Afduubta loo geystay dadkaas ayaa waxaa la sheegay inuu ka dambeeyay, ka dib markii Somaliland xidhay Nin lagu magacaabo Cabdikariin Cali Nuur, sida ay ku warrameen dadka deegaanka Tukaraq.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Cabdikariin Cali Nuur lagu xidhay Magaalada Laasaacaanood ee Xarunta Gobolka Sool, isagoona lagu eedeeyay inuu taageero u muujiyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weli lama oga dableyda hubeysan halka ay la tageen dadkii saarnaa gaadhiga ee afduubka ugu geysteen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, mana jiro wax war hal ah oo kasoo baxay Maamulka degaanka kuna aadan falkaas.

More in focus

To Top