focus
Xildhibaannada Ka Soo Baxay WADDANI Iyo UCID Ee Ka Soo Jeedda Beesha GARXAJIS Oo Kulan La Yeeshay Xubnaha Ay Isbahaysigu U Xuleen Shirguddoonka Wakiillada.
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada ka soo baxay Waddani iyo UCID, ee ka soo jeedda Beesha GARXAJIS ayaa kulan la yeeshay saddexda Xubnaha Isbahaysigu u xuleen in ay noqdaan shirguddoonka Wakiillada.
Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa ah 18 Xubnood, waxaana ka maqnaa 2 xubnood mid xanuunsanayey, halka mid kalena hawlo u gaar uu yeeshay uu ku maqnaa.
Waxa iyaguna aan kulan ka muuqan Xildhibaan Naasir Qodax iyo Jamaal Aadan Diiriye oo iyagu ka soo baxay UCID iyo Waddani oo u jan-jeedha dhinaca Kulmiye, kuwaas oo horena u shaaciyey in ay u tartamayaan Guddoomiye kuxigeenka Golaha Wakiillada
Kulankan ayaa ahaa mid dhoola tus oo Xildhibaannada ku muujinayeen taageerada ay u hayaan xubnaha isbahaysigu u qorsheeyey Shirguddoonka Golaha Wakiillada.
Kulan ayaa sidoo kale ujeeddada laga leeyahay meesha lagaga saaro shaki la geliyo xubnahan la xidhiidhaa warar inta badan goobaha siyaasadda lagu falan-qeeya hadhaysa oo ah in xubnahan aan la hubin in ay u codaynayaan Xubnaha Shirguddoonka ee Isbahaysigu wato.