Connect with us

somalilandtoday.com

Dhacdo Naxdin Leh Macalin Dugsi Qur’aan Oo U Dhintay Sun Xaaskiisa Ugu Dartay Cuntada

focus

Dhacdo Naxdin Leh Macalin Dugsi Qur’aan Oo U Dhintay Sun Xaaskiisa Ugu Dartay Cuntada

Dhacdo Naxdin Leh Macalin Dugsi Qur’aan Oo U Dhintay Sun Xaaskiisa Ugu Dartay Cuntada

(SLT-Baledweyne)-Waxaa Xalay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay dhacdo naxdin leh oo si aad ah saaka looga hadal haayo magaalada Baledweyne kadib markii haweeney ninkeeda ay siisay raashiin sumeysan.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday Xaafada Xaawa-taako ee magaalada Baledweyne, marxuumka xaaskiisa ay siisay raashiinka sunta ay ku dartay ayaa lagu magacaabi jiray Macalin Cumar waxuuna ahaa macalin dugsi quraan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in marxuumka uu dhawaan guursaday haweeneyda sunta ugu dartay raashiinka, lamana oga sababta ka dambeysa inay suneeyso ninkeedii oo u dhintay raashiinkii ay sunta ugu dartay.

Ciidammada ammaanka degmada Baledweyne ayaa la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen haweeneyda sunta ku dishay ninkeedii, taasoo la sheegay inay dooneysay inay baxsato.

More in focus

To Top