Connect with us

somalilandtoday.com

Wiil Ka Mid Ah Dhallinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo La Dilay, Yaa Ka Dambeeyey Dilkiisa?

focus

Wiil Ka Mid Ah Dhallinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo La Dilay, Yaa Ka Dambeeyey Dilkiisa?

Wiil Ka Mid Ah Dhallinyaradii Loo Qaaday Eritrea Oo La Dilay, Yaa Ka Dambeeyey Dilkiisa?

(SLT-Muqdisho)-Cabdimaalik Cabdallahi Xasan oo ka mid ahaa dhalinyaradii ka soo baxsatay dalka Eritrea ee bishii hore lagu soo bandhigay deegaanada Puntland ayaa xalay lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wiilkan oo ahaa 20- jir ayaa bil ka hor ka soo muuqday warbaahinta, isagoo ka sheekeynaya qaabkii ay uga soo baxsadeen dalka Eritrea oo dowladda Soomaaliya tababar u geysay.

Cabdimaalik waxaa lagu dilay Toorey, waxaana ku dilay wiil kale oo ay dagaalameen, kaas oo isku xaafad ay ka degaanaayeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ehellada Cabdimaalik Cabdullahi Xasan ayaa sheegay in marxuumku uu 17 maalmood oo kaliya joogay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo reerahooda ay degan yihiin.

10 -kii bishii hore ee June ayaa Cabdimaalik iyo laba wiil oo kale waxaa muuqaallo lagaga duubay soo bandhigtay warbaahinta Puntland, waxayna sheegeen xilligaas inay ka soo baxsadeen dalka Eritrea, halkaas oo tababar ay ku qaadanayeen mudo laba sano ah.

Aabihiis Cabdullahi Xaaji Xasan ayaa xaqiijiyey in maanta ay wiilkiisii Cabdimaalik ku soo aaseen xabaalaha Calamada ee duleedka degmada Afgooye.

Hoos ka daawo muuqaalkii laga duubay Cabdimaalik markii ay kasoo laabteen Eritrea

More in focus

To Top