Connect with us

somalilandtoday.com

Lionel Messi Oo Koobkisii Ugu Horreeyay Kula Guuleystay Xulka Qarankiisa Argentina

focus

Lionel Messi Oo Koobkisii Ugu Horreeyay Kula Guuleystay Xulka Qarankiisa Argentina

Lionel Messi Oo Koobkisii Ugu Horreeyay Kula Guuleystay Xulka Qarankiisa Argentina

(SLT-Argentina)-Ciyaaryahanka caanka ah ee u ciyaaro kooxda Barcelona ee ka dhisan wadanka Spain, una dhashay Argentina ee Lionel Messi ayaa markisii ugu horeysay xulka wadankiisa kula guuleystay koob caalami ah kadib 16 sano oo uu u ciyaarayay.

Markii ay hal gool iyo ebar ku dhammaatay ciyaartii u dhaxaysay Argentina iyo Brazil ayey dhammaan ciyaartoodii Argentina iyo taageerayaashooda waxa ay hal mar ku dhawaaqeen magaciisa “Messi” xilli uu isaguna jilbaha dhigtay garoonka dhexdiisa isla markaasna ay ku xoomeen tobankii ciyaartooy ee garoonka kula jiray.

Waxaa farxad badan laga dareemaayay wajigiisa, waxaana muuqatay inuu ka baxay abaartii ka haysay dhanka koobab la’aanta dalkiisa.

Lionel Messi magaciisu wuxuu haystay warbaahinta oo su’aallo ka keenaayay in sannadkaan uu wadankiisa u suura galin karo iney ku guuleystaan koobkaan, madaama muddo ayna koob qaadin.

Messi wuxuu hore koobab badan ugula guuleystay kooxda uu u ciyaaro ee Barcelona, balse waxay koobab la’aan ka haysatay dhanka wadankiisa oo 28 sanno ka hor sannadii 1993 ay ugu dambeysay koobkaan.

Ugu dambeyn ciyaaryahankaan khibrada badan ee caanka ah hadda wuxuu u suura galiyay xulka dalkiisa iney markii 15-naad qaadaan Copa America, iyagoona la simay wadanka Uruguay oo  15 mar hore ugu guuleystay koobkan.

More in focus

To Top