Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Suldaan Saciid Oo Noqday Soomaaligii Iyo Afrikankii Ugu Horreeyay Ee Ku Biira Finland Baarlamanka

focus

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley Xildhibaan Suldaan Siciid Axmed oo ah xildhibaan asal ahaan ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland, dhawaana loo doortay inuu ka mid noqdo golaha wakiilada ee dalka Finland, isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada ee caasimada dalkaasi ee Helsinki, isagoo noqday taariikhda markii u horaysay ee uu ka soo muuqdo masuul asal ahaantiisu ay tahay madaw saafiya oo aan iska dhal ahayni.

Waxaana kulanka madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wasiiradda wasaaraddaha xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, mudane Siciid Sulub Maxamed iyo  gaadiidka iyo horumarinta jidadka mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan.

Xildhibaanka oo safarkii sii u horeeyey intii la doortay uu kaga baxo dalka Finland ayaa go’aansaday inuu ku yimaado dalkiisi hooyo ee Jamhuuriyadda Somaliland oo uu maalmo kooban ku joogi doono booqasho, waxa madaarka ku soo dhaweeyey wasiirada wasaaradaha xannaanada xoolaha iyo gaadiidka iyo horumarinta jidadka oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka mida xukuumada, Halkan hoose ka DAAWO

More in focus

To Top