Dhowaan wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland waxa ay soo saartay buugga, ‘REPUBLIC OF SOMALILAND: Country Profile 2021’ Waa tallaabo muhiim ah oo dadka guud ahaan, gaar ahaan kuwa aan Afsoomaaliga aqoon ama Soomaalida aan ahayn lagu barayo Somaliland, dhulka iyo deegaanka; dadka; taariikhda; dhaqaalaha; siyaasadda iyo nidaamkeeda dawladeed; iyo guud ahaan xogta la xidhiidha ee dhinac kasta ah.
Buugga noocaas ahi waxa uu noqdaa tixraaca rasmiga ah ee cid kasta oo arrimahaas wax ka qoraysa ama baranaysaa ay ku kalsoonaanayso xigashadeeda, si ka badan qoraallada kale oo dhan, sidaas awgeed waxaa waajib ah in uu qaladaadka guud ahaan ka ceeb la’aado, si aanu xog qaldan u siinin muwaadiniinta iyo dunida kalaba.
Haddaba intii aan akhriyayey Buuggan waxaa ii soo baxay qalad maskaxdaydu qaadan weyday in uu buug noocan ah oo dawladi diyaarisay uu geli karo. Maadaama oo waqtiga dhacdada uu ka warramayaa aanu aad u fogeyn jiilkii soo gaadhayna uu joogo, sida oo kalana dawladdu awood u leedahay in ay hesho ilaha xogta arrintaas laga heli karo. Weliba ay tahay dhacdo aad u muhiim ah taariikh ahaan.
Marka uu buuggu ka hadlay halgannadii dadka Somaliland iskaga tuurayeen gumaysigii Ingiriiska, waxa uu soo qaaday Alle ha u naxariisto ee Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf oo uu ka yidhi hadal macnihiisu noqonay “Waxaa soo shaacbaxay kacdoonno aan baabulnayn oo lagu doonayey in dhammaan gumaystayaasha shisheeyuhu ay dedejiyaan bixitaankooda. Mid ka mid ah waxaa hoggaaminayey Sheekh Bashiir Xaaji Yuusuf oo markii dambe, 1945 kii uu Ingiriisku maxkamadeeyey, kaddibna Burco ku daldalay”
Buuggu waxa uu isticmaalay ereyga ‘Tried’ maxkamadayn oo ah erey macno ballaadhan oo ah, in eedaysanaha la qabto, baadhitaan lagu sameeyo, kaddibna maxkamad rasmi ah sifo sharciya loo soo taago.
Haddaba su’aashu waxa ay tahay, sidaas ma u dhacday xaaladda dilka Sheekh Bashiir?!
JAWAABTU WAA MAYA!!
‘Ciidamo isugu jiray Soomaali, iyo Hindi iyo Koonfur Afrikaan oo uu hoggaaminayo Janaraal Bilays oo Ingiriis ah ayaa uu maamulkii gumaystuhu ku weeraray Sheekh Bashiir iyo ciidan uu watay oo ku jiray buuraleyda Buur-Dhaab.
Dagaal qadhaadh oo ay labada dhinac foodda is dareen ayaa ay ku dhinteen Sheekh Bashiir iyo ku xigeenkiisii Caalin Yuusuf (Qaybdiid), halka dhinaca Ingiriiskana laga dilay Jenaraalkii watay ciidamada iyo tiro ka mid ah ciidamadii uu watay oo ay ku jiraan kuwii Hindiya iyo Koonfur Afrika laga keenay.
Maydka Sheekha Burco ayaa la keenay oo badhasaabkii Burco ee Ingiriiska ahaa uu ka dul damaashaaday, waana kii Abwaan Axmed Xaaji Afqalooc isaga oo arrintaas ka tiiraanyeysan dilka iyo sida foosha xun ee maydka loola dhaqmay mariyey gabaygii ay meerisyadiisa ka mid ahaayeen:
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jidhkiinnii kolkaa waad ku digateene
Nasab haddaad Durriyaddii tihiin kama dareerteene……
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc) AHN.