Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta Beesha Barriga Burco Oo Kulan Ku Yeeshay Hargeysa Iyo Xogaha Ku Lammaan

focus

Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta Beesha Barriga Burco Oo Kulan Ku Yeeshay Hargeysa Iyo Xogaha Ku Lammaan

Wasiiradda iyo Siyaasiyiinta Beesha Barriga Burco Oo Kulan Ku Yeeshay Hargeysa Iyo Xogaha Ku Lammaan

(SLT-Hargeysa)-Xubno Wasiiro iy masuuliyiin kale oo tirsan Xukuumadda Madaxweyne Biixi oo ka soo jeeda degaanada Barriga Burco ayaa kullan ku yeeshay Magaalada Hargeysa,kaas oo ay ka soo qayb-galeen Siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale oo ka soo jeeda beesha Barriga Burco oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE.

Kullan-ka ayaa ka qabsoomay Axadii toddobaadkan xarunta Wasaaradda Macdanta iyo tamarta Somaliland,sida ay sheegeen xoggo uu helay Wargeyska Waaberi,kaas oo la sheegay inay ka qayb-galeen Wasiirka arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed,Wasiirka Macdanta iyo tamarta Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal iyo ex Wasiir Cali Marexaan iyo xubno kal.

Dhanka kalene xoggaha aanu ka helnay kullankaas ayaa sheegay in xubnaha Wasiiradda iyo siyaasiyiinta beeshu ay diirada ku saareen shirkooda arrimaha doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada iyo duufaanada isbaddel doonka ah ee socda iyo arrimo kale oo la xidhiidha mustaqbalka siyaasadeed ee beesha.

Geesta kalene kullankan ayaa ku soo beegmay xilli uu dhawaan eedaymo ujeediyey Madaxweyne Biixi iyo Xisbiga KULMIYE Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi,kaas oo guul-darrada Xisbiga KULMIYE ee doorashadii tunka u saaray Madaxweyne Biixi,isla markaana sheegay in aanay dhaafsiisnayn guul-darradaasi gontaha Guddooomiyaha KULMIYE ahna Madaxweynaha Qaranka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kalene kullanka ay yeesheen qaar kamid ah Wasiiradda iyo siyaasiyiinta beesha barriga Burco ayaa ku soo beegmay xilli dhawaan ayey isbahaysiga Xisbiyadda UCID iyo WADDANI ay shaaciyeen saddex-da xubnood ee ugu tartamaya shir guddoonka Golaha Wakiillada oo uu kamid yahay Musharrax Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Cumar Jaamacr Faarax oo ka soo jeeda degaanada Barriga Burco.

More in focus

To Top