Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Saddex Qof Ku Dilay Dalka Jarmalka

focus

Nin Soomaali Ah Oo Saddex Qof Ku Dilay Dalka Jarmalka

Nin Soomaali Ah Oo Saddex Qof Ku Dilay Dalka Jarmalka

(SLT-Würzburg)-Saddex qof ayaa ku dhintay dhowr kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii nin ku hubeysan Mindi uu ku weeraray magaalada Würzburg ee dalka Jarmalka.

Muuqaallo la soo dhigay baraha ay bulshadu ku wada xidhiidho ayaa waxa ay muujinayaan nin tooray wayn wata oo ay ka hortageen oo ay iska caabiyeen dad wadada marayay.

Qofka laga shakisan yahay oo ah Soomaali 24-jir ah ayaa Boolisku dhaawaceen kahor inta aan la xidhin.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Bavaria, Joachim Herrmann ayaa waxa uu weriyayaasha u sheegay in shan ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu liidato oo aan la hubin inay badbaadi doonaan.

Qofka laga shakisan yahay inuu dilka geystey ayaa waxaa su’aalo lagu waydiinayaa cisbitaal maxalli ah iyadoo sidoo kale Boolisku ay baadhayaan gurigiisa.

More in focus

To Top