Connect with us

somalilandtoday.com

Waa Kuma Ebrahim Raisi Muxaafadka Mayalka Adag Ee Loo Doortay Madaxweynaha IRAN?

focus

Waa Kuma Ebrahim Raisi Muxaafadka Mayalka Adag Ee Loo Doortay Madaxweynaha IRAN?

Waa Kuma Ebrahim Raisi Muxaafadka Mayalka Adag Ee Loo Doortay Madaxweynaha IRAN?

(SLT-Tehran)-Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu noqdo madaxweynaha soo socda ee Iran kadib markii uu ku guulleystay inta badan codadkii ilaa hadda la tiriyay.

Wuxuu ka adkaaday saddex musharax oo kale taas doorasho shalay ka dhacday dalka Iran.Mr Raisi waa xaakimka ugu sarreeya Iran waxaana saaran cunaqabateyn ay dowlada Mareykan ku soo rogtay.

Madaxweynaha Iiraan waa ninka labaad ee ugu darajo sareeya wadanka, ka dib hogaamiyaha ugu sareeya.

Madaxweynaha wuxuu saameyn muuqata ku leeyahay siyaasada gudaha iyo arimaha dibada. Laakiin nidaamka siyaasadeed ee Iran waa hogaamiyaha ugu sareeya ee wadanka Ayatollah Ali Khamenei, oo ah wadaadka diinta ugu sareeya, kaas oo leh go’aanka ugu dambeeya ee dhammaan arrimaha gobolka.

Si kastaba ha noqotee, in badan oo reer Iiraaniyiin ah iyo kuwa u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyey doorka Mr Raisi ee dilkii badnaa ee maxaabiista siyaasadeed 1980-yadii.

Wuxuu ka mid ahaa afar garsoore oo maamulayay xukunnada dilka ah ee qiyaastii 5,000 oo maxbuus, sida ay sheegtay Amnesty International.

More in focus

To Top