Connect with us

somalilandtoday.com

Suldaan Nuux Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Tanaasulay Tartanka Maayirnimada Burco

focus

Suldaan Nuux Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Tanaasulay Tartanka Maayirnimada Burco

Suldaan Nuux Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Tanaasulay Tartanka Maayirnimada Burco

Suldaan Nuux, oo ka mid ahaa mudanayaasha u tartamayay Maayirnimada Burco ayaa ku dhawaaqay in uu tanaasulay.

 “Anigoo u tudhaya midnimada iyo wada-jirka Bulshada Burco – una taagan horumarinta iyo walaalaynta Burco. Aaminsan na in la saxo wixii khaldamay oo aan dib loo noqon. Waxaan u tanaasulay danta iyo midnimada Burco. Hankaygu ma noqon doono mid bulshada kala qaybiya, ee wuxuu noqonayaa mid bulshada mideeya. Bisaylka siyaasadeed bay ka mid tahay in aad aqbashid aqlabiyadda.

Anigoo xoojinaya xisbinimada, xakamaynayana in kala-qaybsanaantu xoogaysato –  waxaan ayidayaa go’aankii xisbigayga Waddani qaatay iyo heshiiskii wadajirka ahaa ee labada xisbi-mucaarid, kaas baanan ku shaqayn doonaa.

Waxaan ku baaqayaa in la ilaaliyo jadwalka kalfadhiga golaha deegaanka degmada Burco, ee berri loo asteeyey. Dibudhac kasta oo ku yimaadaa  wuxuu keenayaa in xamaasadda iyo xaraaradda Bulshadu kacdo, wuxuuna xagal daacin karaa nabadgelyada magaallada. Sidaasi darteed, waa in kalfadhigaasi berito qabsoomaa, Idamka Alle”

More in focus

To Top