Connect with us

somalilandtoday.com

Maxkamad Xukun Ku Ridey Nin Dilay Hooyadii Meydkeediina Cunay

focus

Maxkamad Xukun Ku Ridey Nin Dilay Hooyadii Meydkeediina Cunay

Maxkamad Xukun Ku Ridey Nin Dilay Hooyadii Meydkeediina Cunay

(SLT-Spain)-Nin Isbaanish ah ayaa lagu xukumay 15 sanno oo xabsi ah ka dib markii uu dilay hooyadii oo uu cunay qeybo ka mid ah meydkeeda.

Alberto Sánchez Gómez, oo 28 jir ah, ayaa la xidhay sannadkii 2019 ka dib markii booliska ay ka heleen qeybaha jidhka agagaarka guriga hooyadii qaarna ay ku jiraan weelal caag ah.

Maxkamadda ayaa diiday doodaha Sánchez ee ah in ayna maskaxdiisu caadi ahayn uu markii uu dilka dhacayay.

Waxaa lagu xukumay ninkan 15 sanno oo dilka ah iyo shan bilood oo dheeri ah oo ah cunista meydka hooyadii. Waxaa sidoo kale lagu amray inuu siiyo walaalkiis € 60,000 ($ 73,000, £ 52,000) oo magdhow ah.

Boolisku waxa ay yimaadeen guriga ku yaalla bariga Madrid bishii Febraayo 2019 ka dib markii deriska ninkan ay Booliska u sheegeen shakiga ah in aanu si wanaagsan ula dhaqmin ninkan hooyadii.

Sánchez oo markii uu falkan ku kacay 26 jir ahaa ayaa ceeji ku dilay, kadibna wuu jarjaray oo wuxuu cunay qaybo ka mid ah jidhkeeda labadii toddobaad ee ku xigay, isaga oo qaar siinaya eeygiisa.

More in focus

To Top