Connect with us

somalilandtoday.com

Maayar Solteco Oo Midnimo Kaga Tegay Reer Hargeysa Iyo Maayar Muraad Oo Naxli Ku Dhex Tuuray Dadka Reer Burco

focus

Maayar Solteco Oo Midnimo Kaga Tegay Reer Hargeysa Iyo Maayar Muraad Oo Naxli Ku Dhex Tuuray Dadka Reer Burco

Maayar Solteco Oo Midnimo Kaga Tegay Reer Hargeysa Iyo Maayar Muraad Oo Naxli Ku Dhex Tuuray Dadka Reer Burco

(SLT-Burco)-Maayaraddii hore ee Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa ayaa weedho kale duwan ku macasalaameeyey Bulshooyinka Magaalooyinka ay maayaradda ka ahaayeen mudda’da dheer.kuwaas oo bulshada ku dhex abuuray haddal hayn

Maayarkii hore ee Magaalada Burco Maxamed Muraad oo war-baahinta kula hadlay Magaalada Burco, ayaa halkaas ka jeediyey weedho kale duwan,kuwaas oo ahaa qaar uu ku kale qaybinayey Bulshada reer Burco,isla markaana abuurayey cunfi iyo xumaan.

Maxamuud Muraad ayaa ku tiraabay haddalo kicin ah, kuwaas oo beelaha walaalaha ee Burco ku wadda nool uu iskaga horkeenayey,isagoo ku tiraabay haddalo kale gedisan oo ay kamid ahayeen reer Habelow reer Habel wax-ba idiinmo oggala iyo qaar kale oo baddan.

Dhanka kale haddaladan xajiinta leh ee ka soo yeedhay Maayarkii hore ee Magaalada Burco, ayaa waxa si weyn uga biyo diiday Bulshada reer Burco iyo guud-ahaanba Bulshada reer Somaliland,iyadoo siyaasiyiin iyo abwaano ka falceliyey haddaladaas ay sheegeen inay yihii kuwa isku dir ah, isla markaana ay ugu baaqeen shacabka reer Burco in aanay dheg u dhigin haddaladaas.

Geesta kale Maayarkii hore ee Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo isna xilka Maayarnimo banaynaya ayaa haddalo uu jeediyey ay si weyn u soo dhaweeyeen Bulshada reer Hargeysa iyo guud ahaan-ba shacabka Somaliland,isaga oo sheegay inuu u damqanayo dalkiisa iyo dadkiisa iyo Magaaladiisa,isla markaana uu u tanaasulay Xildhibaan Cabdikariin Axmed Mooge .

Si kastaba ha-ahaatee Maayar Muraad ayaa ku tiraabay wakhti uu macasalaamaynayo kursiga Maayarnimada Burco weedho kale qaybinaya Bulshada reer Burco,halka uu Maayar Cabdiraxmaan Soltelco uu isna kursiga Maayarnimi ku macasalaameeyey weedho muujinaya lexejeclada dalka iyo dadka iyo Magaalada Hargeysa uu ka leeyahay,iyo go’aankii geesinimada lahaa ee taanaasulka Maayarnimadda Hargeysa,waxaanu ka degayaa xilka Maayarnimadda Hargeysa,reer Hargeysa oo middaysan oo mid ah.

More in focus

To Top