Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsatada Dalka Moroco Oo Diiday Inay Israa’iil Ka Kireeyaan Guri Ay Safaarad Ka Dhigato.

focus

Ganacsatada Dalka Moroco Oo Diiday Inay Israa’iil Ka Kireeyaan Guri Ay Safaarad Ka Dhigato.

Ganacsatada Dalka Moroco Oo Diiday Inay Israa’iil Ka Kireeyaan Guri Ay Safaarad Ka Dhigato.

(SLT-Morocco)-Wakiilka Israa’iil ee Morocco ayaa wali ka shaqeynaya hoteel ku yaalla caasimada Rabat, Ka Dib Markii Maalqabeenada iska Leh Guryaha waaweyni ay Diideen In ay Ka Kireeyaan Xarun ay Ku shaqayso Qusuliyaddu.

bilo ka dib banaanbaxyo waaweyn oo ka dhacay dalka Oo dhan ayaa Waxa lagaga soo horjeeday heshiiskii caadiga ahaa ee ay wada saxeexdeen maamulka Morocco iyo Israel dhamaadka sanadkii la soo dhaafay.

Diblomaasi ruug cadaa David Govrin ayaa shaqadan bilaabay lix bilood ka hor kadib Markii caadi laga dhigay Xidhiidhka u dhexeeya Marooko iyo Israel.

Israa’iil waxaa la siiyay meel ay ka shaqeyso dowladda Morocco, oo aad uga fog bartamaha magaalada, laakiin Israa’iil ayaa diiday dalabkan.

More in focus

To Top